Goobta ugu badan ee Duqeymaha laga geystay ee dadka ay ku geeriyoodeen ayaa ah Suuq ku yaallo Degmada Mustaba ee dalka Yemen.
Hay’adda Dhaqaatiirta aanan xuduuda laheyn ee MSF, ayaa sheegtay in la duqeeyay Isbitaal Hay’adda ay maamuleysay oo waxyeelo ay soo gaartay dadkii ku sugnaa Isbitaalka.
Goobaha ay Duqeymaha ku garaaceen Diyaaradaha Isbaheysiga, ayaa waxaa si aad ah ugu xoogan Xoogaga Xuutiyiinta ee dalka Yemen dagaalka ka wada.
Afhayeen u hadlay Isbaheysiga uu hogaaminaayo Sacuudiga ayaa waxa uu sheegay inay baarayaan wararka la xiriira Duqeymaha Diyaaradahooda ay geysteen in dad shacab ah ay ku geeriyoodeen iyo in kale.
Shacabka Dalka Yemen ayaa dhibanayaal u noqday Duqeymaha Diyaaradaha Isbaheysiga ay ku garaacayaan Deegaano iyo Degmooyin ka tirsan dalkaasi.



0 



30 ruux oo lagu dilay Duqeyn ka dhacday dalka Yemen
Iyadoo dalka Yemen ay ka socdaan Duqeymaha culus ee ay geysanayaan Xulufada uu hogaaminayo Sacuudiga, ayaa Duqeymihii ugu dambeeyay ee dalkaasi ka dhacay waxaa lagu dilay ku dhawaad 30 ruux oo shacab ah.