NISA oo sheegtay in Alshabaab ay qorsheysay inay weerarto dekedaha Muqdisho iyo Boosaaso

0
Wednesday March 16, 2016 - 10:18:46 in Wararka by
  • Visits: 812
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    NISA oo sheegtay in Alshabaab ay qorsheysay inay weerarto dekedaha Muqdisho iyo Boosaaso

    Ammaanka dekadaha dalka ayaa la adkeeyay kadib markii ay soo baxday warar sheegaya in ururka Alshabaab ay qorsheynayaan in ay weeraraan dekedaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ammaanka dekadaha dalka ayaa la adkeeyay kadib markii ay soo baxday warar sheegaya in ururka Alshabaab ay qorsheynayaan in ay weeraraan dekedaha dalka Soomaaliya.

Sida ay qortay wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA sarkaal ka tirsan hay’ada Sirdoonka iyo Nabadsugiida NISA ayaa sheegay in dagaalyahano gaaray shalay deegaanka Garacad ay qorsheynayeen inay weeraraan dekedo ku yaal dalka kadib markii warkooda la helayna ay dib u laabteen.

Sarkaal Sare oo Ka Tirsan Hay’adda Sirdoonka Iyo Nabadsugidda Soomaaliya Ee NISA ayaa Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in Maleeshiyaadkii hubeysnaa ee lagu arkay shalayto deegaanka Garacad oo qiysaas ahaan gaaray ku dhawaad 500 ay qorsheynayeen weerar lagu qaado qaar kamid ah Dakadaha Soomaaliya markii xogtooda laga war helayna ay dib uga laabteen.

NISA ayaa sheegtay in la qaaday talaabooyin amni oo dheeraad ah kuwaas oo looga hortagayo qorshe kasta oo Alshabaab ku dooneyso in ay ku carqaladeeyo ilaha dhaqaale ee dalka.

Sarkaalka u waramay SONNA ayaa xusay in bartilmaameedka kooxahan ay ki mid ahaayeen dekadaha Muqdisho,Boosaaso iyo kuwo kale oo muhiim ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip