WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 24-KA AGOOSTO 2015-KA

0
Monday August 24, 2015 - 09:27:25 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2481
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 24-KA AGOOSTO 2015-KA

    Madaxweynihii hore Dowladdii KMG ahayd Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa khudbad u jeediyay Soomaalida UK, wuxuuna ka hadlay arrimo fara badan oo ku saab san xaala dda dalka, doorka looga baahan yahay qurba joogta iyo arrimo kale.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynihii hore Dowladdii KMG ahayd Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa khudbad u jeediyay Soomaalida UK, wuxuuna ka hadlay arrimo fara badan oo ku saab san xaala dda dalka, doorka looga baahan yahay qurba joogta iyo arrimo kale.

MADAXWEYNIHII HORE SOOMAALIYA SHEEKH SHARIIF OO DALAB HOR DHIGAY SOOMAALIDA UK, SHEEGAYNA IN ISBEDEL LOO BAAHAN YAHAY

Madaxweynihii hore Dowladdii KMG ahayd Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa khudbad u jeediyay Soomaalida UK, wuxuuna ka hadlay arrimo fara badan oo ku saab san xaala dda dalka, doorka looga baahan yahay qurba joogta iyo arrimo kale.

Sh.Shariif Sh. Axmed ayaa shaki geli yay inay sax tahay dhalashada Soomaali nimada iyo beelaha ay ku abtirsadaan, isa goona sheegay in marka dalka laga hirgel iyo baaritaanka DNA-ga qoysas fara ba dan kala shaki xoog leh soo dhex gelayo.

Md. Sh. Shariif i hore wuxuu sheegay in Soomaalida ay qabiilka si xun u adeegsa daan, taasi oo uu sheegay in dhaqamada xunxun ee la caadeystay ay ka mid yihiin in beelo gaar ah lagu takooro sida guurka oo kale.

Waxaa kale oo Shariif Sh. Axmed uu ku booriyay Soomaalida UK inuu arko iyagoo dalkooda dib ugu laabtay, isla markaana ka qeyb qaadanaya dib u dhiska iyo hor u marka dalkooda."Dalkaan aanu joogno da araha qurxoon ee ku yaala sahal laguma dhisin,sidaas darteed Soomaalida UK waa inay u guntadaan sidii ay dalkooda dib u gu dhisi lahaayeen” ayuu yiri Sheekh Sh. Axmed. Dhinaca kale Ex Madaxweynihii Dowlad da KMG ahayd ayaa sheegay inta qof ay ka fogaato dowladnimada ay ka sii fogaan eyso dadnimada, wuxuuna hoosta ka xari iqay in dal horumaray markii la ar ko ay cadahay dadkiisa doorkii ay ku

Leeyihiin.

 

XOGHAYAHA JOOGTADA AH EE WASAARADA CADAALADDA OO LA MAGACAABAY

Digreeto ka soo baxday Xafiiska Ra’Iis ul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdir ashiid Cali Sharma’arke ayaa lagu maga caabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Cadaaladda Dr. Ismaaciil Jimcaale Calasow.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa muddooyinkan magacaabayay Xoghayeyaasha joogtada ee Wasaaradaha Xukuumadda, kadib soo jeedinta Wasiirada, waxaana soconaya is bedel guud oo lagu sameynayo Agaasim ayaasha iyo Xoghayeyaasha joogtada ee wasaara daha, kuwaasoo muddo xilalka haya.

Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Cadaaladda Dr. Ismaaciil Jimcaale Calasow ayaa horay u ahaa xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, kaasoo jagadaas loo magacaab ay Yaxye Cali Ibraahim.

BUUBAA: DOWLADDII SOMAALIYEED EE AANU WADNAY WAY SHAQEYN KARI WEY DAY, EE SOMALILAND HALALA…

Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) oo ka hadlay aragtiyada siyaasi ga ah ee ka imaanaya dhanka Somaliland ee ku aadan arrinka Koonfur ayaa waxa u u yiri "Waxa weeyaan markii horena dan Somaaliyed ayaanu aragnay inay haboon tahay in laga shaqeeyo oo dowlad dhexe oo hagaasan oo shaqeyn karta la samee yo,waana arrin ilaa SNM markaanu aheyn aragti siyasadeed oo wadaniya noo aheyd oo dadka badankiisu malaha xarfaha S NM ma sii eegaane waxa weeye dhaqdha qaaqa wadaniga Somaaliyeed, taas ayaa nu ka duulaynay, wakhtigan lagu jiro iya doo aanu in badan ka shaqeynay dowlad Somaaliyeed inay hano qaado caqabo ba dan ayaa horyaala oo maanta aysan ka soo bixi karin, annagoon danta Somaaliy ed ee guud ahaan ka tagin waxaanu ara gnaa sida keliya ee maanta dantu ku jirtaa inay tahay laba dowladood oo walaalo ah oo Soomaaliyeed oo wada shaqeeya oo is kaashada oo kala ah Somaliland iyo So maaliya inay wax ku hagaagi karaan, wa ayo dowladdii Somaaliya ee aanu wadnay way shaqeyn kari weyday, waxaanay u ba ahantahay cid gacan qabata kolkaas .

waxa haboon in dawladda Somaliland la dhiso oo la siiyo awood ay wax kaga qa ban karto arrimaha Koonfurta oo ay dowl ad wanaagsani ka hano qaado Somalil and taas oo Somalida oo dhan dan weyn ugu jirta”.

Mr. Buubaa waxaa la weydiiyay inuu wax xiriir ah la sameeyay maamulka Som aliland, waxaanu sheegay inay Madaxwe yne Siilaanyo ku kulmeen wadanka Imaar aadka Carabta, wuxuuna yiri "Madaxwey naha iyo wasiirada qaarkood waxaanu is ku aragnay Imaaraadka Carabta si wanaa gsan ayaanan u sheekaysanay, laakiin ar agtidayda siyasadeed ilama aha inay qar soontahay haddii ay tahay Somaliland iyo haddii ay tahay Somali weynba, siyaasad duna waxay ka shaqeysaa danaha dadka oo ay ku shaqaysaa, markaas Koonfurta waxay dani ugu jirtaa in dowlad wan aagsan oo la aqoonsayahay ka soo baxdo Somaliland taas oo ka qayb qaadan karta degenaanshaheeda”.

TIRADA DADKII KU DHINTAY QARAXII KISMAAYO OO KORDHAY IYO DHAAWACYO MUQDISHO LOO SOO QAADAY

Waxaa sii kordhaya tirada dadkii ku dhi ntay weerarkii Ismiidaaminta ee Ururka Al Shabaab ay ku qaadeen Xerada ciidam ada ee Magaalada Kismaayo, halkaasi oo Dorraad subaxdii weerar culus ay ka gey steen Shabaabka. Tirada Dhimashada ay aa la sheegayaa inay mareyso ku dhaw aad 25 ruux, halka dhaawacana uu intaasi ka badan yahay, iyadoo dhaawacyadii cus laa loo soo qaaday M/ Muqdisho.

C/qaadir Xaaji Maxamed "Lugadheere” Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jub baland, ayaa sheegay Dhaawacyo kala du wan in loo qaaday M/Muqdisho, kuwaasi oo loo arkay inay xaaladooda culus tahay.

Md Luga dheere, ayaa sheegay inay ad keyn doonaan ammaanka xarumaha ciid amada M/Kismaayo, si looga gaashaanto weeraro la mid ah kii shalay oo kale inay ka dhacaan M/Kismaayo.

Wariye ku sugan M/Kismaayo, ayaa sheegaya inay jiraan Dhaawacyo ku geer iyooday Isbitaalka M/Kismaayo,kuwaasi oo xaaladooda ay adkeyd kolkii Isbitaalka la geynaayay.Dadka dhintay iyo ku dhaaw acmay gedigooda waa Askartii u taagneyd tababarka xilliga lala beegsanaayay Qar axa I smiidaaminta ah ee loo adeegsaday gaariga NOHA.

Shabaab ayaa sheegtay inay weerarka asi ku dileen 100 Askari oo isugu jira Ciid amada Somalida ee Jaamacada Kismaa yo lagu tababaraayay iyo kuwa Kenya ee halkaasi ku sugan.

MAAMULKA G/SH/DHEXE OO SOO BANDHIGAY WAXQABADKA MUDDO SANAD AH

G/G/Sh/dhexe Cali Cabdulaahi Xuseen ay aa ballanqaaday in laga hirgelin doono go bolka Sh/dhexe mashaariic ay ka mid yihi in qodista 40 ceel gaar ahaan deegaana da ay ka jirto biyo la,aanta isagoo ka hadl ayay habeen hore xaflad lagu soo bandhi gayay waxqabadka muddo sanad ah ee maamulka gobolka Sh/dhexe ayaa shee gay in maamulka gobolka uu qorsheynayo in mashaariic kala duwan laga hirgeliyo go bolka.

Xaflad lagu qabtay garoonka kubbada kolayga degmada Jowhar ayna ka soo qe ybgaleen mas’uuliyiin ka socotay maamu lka gobolka Sh/dhexe,maamulada degmo oyinka,saraakiil ciidamada ammaanka iyo boqolaal dadweyne ah ayaa lagu daawad ay filim ku saabsanaa waxqabadka maam ulka mudada halka sano ah ee uu jiray.

Munaasabadan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa xildhibaan Qaasim Cali Nuur iyo danjirihii hore ee dalka Soomaali ya u fadhiyay wadanka Kenya Maxamed Cali Nuur Ameeriko.

Waxqabadka la soo bandhigay ayaa wa xaa ka mid ahaa hirgelinta mashaariic ka la duwan oo laga hirgeliyay degmooyinka Jowhar,Balcad, Warshiiq iyo Cadale. Qu dbad uu ka jeediyay guddoomiyaha gobo lka Sh/dhexe Cali Guudlawe Xuseen xafla dan ayaa sheegay in degmooyinka ay weli haystaan ururka Alshabaab dhowaan laga xoreyn doono isagoo ballanqaaday in sa nadkan kiisa kale ay xaflad ku dhigan do ono degmada Ruunnirgood oo ka mid ah degmooyinka ay haatan ka taliyaan ururka Alshabaab.

"Waxaan hirgelin doonaa dhowaan ma shaariic isugu jira kuwo caafima ad,wax barasho iyo beero maadaama gobolka uu yahay mid ammaan ah.”ayuu yiri guddoo miyaha gobolka Sh/dhexe Cali Guudlaa we. Munaasabadan ayaa waxaa ku soo bandhigay suugaan kala gedisan kooxaha fanka oo uu hormuud ka ahaa Alfanaan Cabdow Carram.

KHILAAF SOO KALA DHEX GALAY SARAAKII SHA DOWLADDA IYO AMISOM EE GOBOLKA HIIRAAN

Warar soo baxaya, ayaa sheegaya inuu jiro khilaaf u dhaxeeya Saraakiisha ciida mada DFS iyo kuwa Amisom ee ku sugan G/ Hiiraan.Sarkaal ka tirsan ciidamada Mi lateriga Dowladda ee G/Hiiraan oo lagu magacaabo Maxamed Cumar Cabdulle, ayaa sheegay inuu jiro khilaafkaasi oo u dhaxeeya Saraakiisha Amisom iyo kuw Dowladda. Inkastoo uu Sarkaalkaan ka ga absaday inuu faah-faahin rasmi ah ka bixi yo waxa uu salka ku haayo khilaafkaasi, a yaa hadana waxa uu sheegayaa khilaafk aasi inuu sabab u noqday hakad ku yima aday, howlgalkii Bariga G/Hiiraan ka soc day.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom oo iskaashanaya, ayaa maalmahan dam be waxa ay dagaal ka wadeen deeganada Bariga G/Hiiraan, waxaana ay kula dagaal amayeen Ururka Shabaab, hayeeshe how lgalkaasi ayaa hada hakad ku jira. Arkaal kaan ciidamada Milateriga Somaliya ka tir san, wuxuu sheegayaa qorshaha inuu ah aa in ciidamada ay si toos ah isugu furaan wadada xiriirisa Buulo burde iyo M/ Bela dweyne oo Shabaab dhexda ay ka fadhiy aan, balse howlgalkii lagu furi lahaa wad ooyinkaasi ayaa khilaafka yimid awgiis uu u hakaday.

Ciidamo aanan ka tirsaneyn Amisom, balse Itoobiyaan ah ayaa dhawaan ka ba xay Deegaanka Halgan oo ka tirsan G/Hii raan, ka dib markii halkaasi Shabaab ay kala wareegeen, isbuuc kadibna dib ay u baneeyeen. Al Shabaab ayaa weli ku sug an deegaano iyo Degmooyin ka tirsan G/Hiiraan oo weli uu ka jiro Maamulkooda.

Kooxo hubaysan, ayaa shalay subaxdii nin dhalinyaro ahaa waxa ay ku dileen

RAG HUBAYSAN OO WIIL DHALLINYA RO AHAA KU DILAY DEGMADA HODAN

De gmada Hodan ee G/Banaadir, xilli uu ku sugnaa Waaxda Axmed Gurey ee De gm adaasi. Wiilka Dhalinyarada ah ee la dilay, ayaa lagu magacaabi jiray Bashiir Macalin Qaasim Macalin Nuur Maxamed, wuxuu na ka mid ahaa Ururka Dhalin yarada De gmada Hodan.

Ragga hubaysan ee dilay Bashiir, ayaa ka baxsaday goobtii ay ku dileen, waxaa na la sheegay inaysan suuragelin gacanta in lagu soo dhigo raggaasi. G/Ururka Dha linyarada Deg/Hodan, Mr.Hadaafow,ayaa xaqiijiyay dilka wiilkaasi dhalinyarada ah ee xubinta ka ahaa Ururkiisa Illaa hada la ma oga sababta ka dambeysa dilka loo geystay ninkaasi dhalinyarada ah ee laga garanaayay Deg/Hodan,M/ Muqdisho.

Horey Deg/Hodan waxaa lagu dilay dhalinyaro ka tirsaneyd Ururka Dhalinya rada D/Hodan Inta badan waxaa adkaata in gacanta lagu soo dhigo ragga dilalka abaabulan ka gaysanaaya M/Muqdisho.

JUBBALAND OO TOOGATAY SARKAAL CIIDAN OO FUDUDEEYAY WEERARKII

M/mulka Jubbaland, ayaa Habeen ho re toogtay Sarkaal Ciidan, xilli lagu helay inuu fududeeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa,ee Dorraad lagu qaaday Xarunta Ja amacadda Kismaayo, balse hadda ah du gsi lagu tababaro Ciidamada Jubbaland.

Ninka la toogtay, ayaa lagu magacaabi jiray Cali Sankuus, waxaana si weyn loo ga yaqaanaa Xarunta G/Jubbada Hoose Ee M/Kismaayo. Sarkaalkaasi waxa uu xill igan ka tirsanaa Saraakiisha Jubbaland ee tababarka siisa Ciidamada. Cali Sanku us iyo nin kaloo lagu magacaabo Maxam ed Dheere, ayaa labaduba la sheegay in ay xerada soo geliyen gaarigii weerarka ismiidaaminta loo adeegsaday, gacantana lagu dhigay, xilli ay xerada ka sii bixi rab een, laba daqiiqo ka dib markii uu qaraxu dhacay.

Maxamed Dheere, ayaan faah faahin sax ah laga hayn in la toogtay iyo in kale. Laakiin ilo lagu kalsoonaan karo, ayaa Dhacdo.com u sheegay in Sankuus lagu toogtay Xarunta K2, oo ay fariisimo ku lee yihiin Ciidamada Jubbaland. Warar aan la xaqiijin, ayaa sheegaaya in halmar la wa da toogtay Maxamed Dheere iyo Cali Sa nkuus, inkastoo ehelada Sankuus sheeg een inay maqleen toogasho Sankuus oo keliya.

Taliyaha Xerada Jaamacadda Kismaa yo, Korneyl Cabdi Ibraahim Cabdi (Cabdi Yare), ayaa Sabtidii sheegay weerarkaasi in loo soo xiray laba nin, oo sida uu she egay ka soo shaqeeyay fududaynta weera rkaasi.M.mulka Jubbaland, ayaa u muuq do mid si dhaqsi leh meesha uga saaray raadadkii iyo cadaymihii ku aadanaa wee rarkaasi, xilli Madaxweyne Xasan Sh.Max amuud uu habeen hore sheegay in baarit aan lagu samaynaayo cidii ka dambeysay weerarkaasi. xigasho dhacdo.com

GOOBJOOGAYAAL KA SHEEKEEYAY QARAXII LAGU WEERARAY BIIBATADA HOTEEL JUBBA

Haweeney shidaal ku iibinaysay meel ku dhow maqaaxidii uu qaraxaasi ka dhacay gelinkii dambe ee Sabtidii, ayaa sheegtay maqaaxidaasi inay ahayd biibito lagu qay ilo, oo dadkuna isugu yimaadan.

Haweeneydan waxay qudheedu sheeg tay in dhaawac uu ka soo gaaray motoor ku soo dhacay halkii ay ku fadhisay, isla-markaana uu firir kaga jiro lugta, iyadoo in taa ku dartay inay shook ku sigatay.

Sidoo kale waxay sheegtay inaanay ka ba sheekeen karin wixii halkaasi ka dha cay, iyadoo u qaadatay inay lugta ka go’ day, hase ahaatee ay caafimaad qabto, marka loo eeggo waxyeelada buuran ee dadka ka soo gaartay qaraxaasi.

Fahad Maxamed Cali oo ka mid ah dad kii u gurmaday kuwii ku waxyeeloobay qar axaasi, ayaa sheegay inuu la kulmay dha awacyada afar ruux, isla-markaana uu u fi diyay gurmad bani’aadanimo.Fahad wax aa dharkii uu watay ka muuqanaayay dh iig, maadaama uu gacan u fidiyay dad dha awacyo culus qaba.

Gabar dhalinyaro ah oo sidoo kale ka mid ah dadka deegaanka, ayaa sheegtay dadku inay tuhun ka muujiyen gaarigaasi, maadaama sida ay sheegtay in muddo ahba uu halkaasi yaalay, laakiin uu dare enku dadka ahaa mid yar. Abaarihii Maq ribkii ayay sheegtay in la arkay gaariga oo markeliya qarax sameeyay. Gabadhan oo aan magaceeda sheegin, ayaa xaqiijisay in maqaaxida ay fariisan jireen Ciidamada Dowladda Somaliya iyo weliba dadka ray idka ah, oo sida ay sheegtay goobtaasi ku qayilayen, markii uu qaraxu dhacaayay.

Qaraxan oo lala beegsaday maqaaxi ku taala qaybta hoose ee Jubba Hotel, ayaa ka dhashay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, oo halkaasi la soo dhigay, saac ado ka hor intii aanu qarxin.

Sawiran laga soo qaaday maqaaxidaasi, ayaa ka muuqanaayay burbur weyn oo maqaaxida ka soo gaaray,illaa iyo hadana ma jirto cid weli si rasmi ah u sheegatay masuuliyadda weerarkaasi.

AMISOM OO LABA BOQOL OO ASKARI TAB ABAR UGA FURTAY MAGAALADA

Saraakiil ka tirsan Taliska Midowga Afri ka Amisom, ayaa tababar M/Baydhabo u ga furay laba boqol oo askari, oo loo wado in loo tababaro suggida ammaanka iyo ka hortagga fal dembiyeedyada.

Askartan oo isugu jira rag iyo dumar ba, ayaa waxaa laga soo kala xulay Dee gaanada Maamulka Koonfur Galbeed uu ka arrimiyo, waxaana la siinayaa tababar deg deg ah oo socon doono muddo sadex bilood ah. Qoraal ay Amisom soo saartay, ayaa waxaa lagu sheegay in askartan lag ayn doono dhulka laga saaraayo Ururka Al Shabaab, si ay u hantaan ammaankag oo baha cusub ee laga qabsanaayo Urur kaasi.Qoraalka, ayaa lagu xusay musta qbal ka dhow in askartaasi lagu wado inay no qdaan Xoogag Booliska Somaliya ka tir san, iyagoona ka shaqayn doono xasil oonida dalka.

Dhinaca Warbaahinta Amisom, ayaa soo bandhigtay muuqaalo sawiran ah oo muu jinaaya Saraakiil Booliska Amisom ka tir san, oo bixinaaya tababarka la siinaayo cii dankaasi cusub.Taliska Booliska Amis om, ayaa bishii hore ee July ballanqaaday in min lix boqol oo askari oo boolis ah, ay u tababari doonaan Maamulada Koonfur Galbeed & Jubbaland, iyadoo uu yoolku yahay nabadgelyo ay ka dhaliyan meelah a la gala wareegaayo Shabaabka.

DHALINYARO SOOMAALI MARAYKANKA OO SHEEGAY INAY KA CABSI QABAAN INAY KOOX KA LE OO DHALLINYARRO AH U AMBABAXEEN DALKA SYRIA,

Jaalliyadda Soomaalida Maraykanka ayaa sheegay inay ka cabsi qabaan inay koox ka le oo dhallinyarro ah u ambabaxeen dalka Syria, si ay ugu biiraan Kooxda Daacish. C/r isaaq Biixi oo xubin ka ah Koox Waalidiin Soomaali Maraykan u taagan inay ka hortag aan Dhallinyarada ku biirayso Kooxda Daa cish ayaa xaqiijiyey inay jiraan dhallinyarro u dhooftay, kuna biirtay Daacish.

Isagoo la hadlayey Idaacadda Minneapol is Public Radio ayuu sheegay inay tiro dhal linyaro Somali isugu jirta rag iyo haween ay toddobaadyadii la soo dhaafay ka tageen Maraykanka, kuwaasoo la tuhunsan yahay inay ku biireen Kooxda Daacish.

Senator Keith Ellison oo ka tirsan Kongar eeska Maraykanka, lagana soo doorto Min neapolis, ayaa sheegay inuusan Xafiiskiisa xaqiijin karin faahfaahinta Soomaalida dhoof tay. Wuxuuna sheegay inay adag tahay in la aqoonsado ama la joojiyo Dhallinyaradda u safraysa si ay ugu biiraan kooxaha xagjirka ah ee dagaalada ka wada meelo ka tirsan caalamka.

Keith Ellison ayaa intaa ku daray inay sharci tahay haddii la haysto lacag iyo Duku mentiyadda Safarka in la aadi karo magaall adda Istanbul ee dalka Turkiga. Saraakiisha Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Maraykanka iyo Xafi iska Dembi-baarista FBI-da ee magaaladda Minneapolis wey ka gaabsadeen inay ka ha dlaan warbixinadda ugu dambeeyey ee Soo maalida u safartay inay ku biiraan Daacish.

Soomaali fara badan oo rag iyo haween isugu jira kana safray Maraykanka iyo Yurub ayaa ku biiray kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalalka Siiriya iyo Ciraq, waxaana qaarkood lagu dilay dagaalada kooxdaas ay wado halka qaar kalena ay weli ka barbar dagaalamayaan

NIN SOMALI AH OO BOOLISKA CANADA IS KU DHIIBAY, XILLI LA BAADIGOOBAAYAY

Eedeysane Soomaali ah oo lagu magac aabo Maxamuud Cabdiweli Diiriye oo ay ba adi goobayeen booliska M/Toronto ay aa shalay isku dhiibay booliska. Boolis ka M/Toronto ayaa shalay soo saaray war qad lagu soo xirayo eedeysanaha oo loo heysto dilka Kabil Cabduqaadir oo 9-kii bishan lagu dilay bartamaha magaalada Toronto.

Maxamuud Cabdiweli Diiriye ayaa shal ay ka hormuuqday maxkamadda Old City Hall, kahor inta aanan lagu celin saldh igga. Eedeysanaha ayaa mar kale kasoo muuqan doona maxkamadda 2-da bisha dambe ee September.

Sidoo kale waxaa maxkamad waja haya C/hi Cali Faarax oo 20 jir ah kaasoo loo hey sto inuu gacan ka geystay dilka Kabil.Boolis ka M/Toronto ayaa ka co dsaday dadka wax ka og dilalkii u dambe eyay ee ka dhacay magaalada inay la xiri iraan booliska. Fowsi ya Xasan hooyada dhashay Ka bil ayaa 13-kii bishan ka cods atay booli ska M/Toronto iyo jaaliyadda So omaalida inay u sitaagaan sidii ay u heli la heyd ca ddaalad, gac antana loogu soo dhi gilahaa dambiilayasha

XILDHIBAAN C/SAMAD: PROF: JAWAARI WAA INUU SOO CADEE YAA WADADA UU MARSIINAYO MOOSHINKA

Xildhibaan C/samad Macalin Maxamu ud oo ka mid ah mudanayaasha mooshin ka ka keenay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay guddoo miyaha baarlamaanka inuu soo cadeeyo wadada uu marsiinayo mooshinkii laga ke enay Madaxweynaha, kaas oo horay loo gu gudbiyey Guddoomiyaha baarlamaan ka.

Xildhibaanka ayaa xusay inuu guddoom iyaha uu wada tashi la leeyahay dhinacyo kala duwan, ayna ka sugayaan sida ugu dhaqsiyaha badan inuu Baarlamaanka ku horkeeno, "Guddoomiyaha baarlamaanka markii uu safarka ka soo laabtay ayuu mo oshinka qabtay, wixii intaas ka dambee yay waxaa laga rabaa inuu u sheego darii qada uu marsiiyo, waxaan u maleynayaa inuu la tashi sameynayo, maadaama mooshinka uu yahay markii u horeysay oo noociisa ah, waxaa dastuurka ku yaala se ddex meelood labo meelood inay Madax weynaha mooshin ka keeni karta” ayuu yiri xildhibaan C/samad Macalin Maxamu ud.Sidoo kale xildhibaan C/samad ayaa sheegay in baarlamaanka uu leeyahay xe er hoosaad, cadeynaya qaabka xildhibaan ka mooshinka uga mid noqon karo iyo qaabka uu uga bixi karo, hase yeeshee waxa uu xusay in mar haddii guddoonka qabto mooshinka aanu xildhibaanka ka no qon karin, kuwa dhahayana ay mar hore u aheyd inay ka baxaan.

"Waxa uu sharcigu yahay xildhibaanka marka mooshinka uu saxiixo oo guddoon ka uu soo gaaro, isla markaana uu istaam badeeyo mooshinka, oo uu tiriyo namb arka saxda ah waa dhanyahay uu yiraa hdo, qof dambe oo ka bixi karaa ma jiro, qofka hadduu rabo markaas ka bacdi inuu ka baxo waa marka Baarlamaanka la ke eno dhinaca kale ayuu u codeyn kara ma rkaas, laakiin mar haddii Guddoonka uu qabto waa ka baxaa wax macno ma keenayso” ayuu yiri xildhibaanku.

Guddoonka baarlamaanka iyo guddiyada joogtada Baarlamaanka ayaa maalmihii u dambeeyay kulamo u socday, iyadoo kulamadaas weli wax war ah ka soo bixin, hase ahaatee guddoonka ayaa loo arkaa mid go’aanka kama dambeeya ay gacanta ugu jirto, sida laga yeelayo mo oshinka in baarlamaanka u soo gudbiyo si looga doodo iyo inuu wado kale oo xal ah u maro, si meesha looga saaro.

Dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed ayaa la bada dhinac waa kuwa mooshinka wada iyo kuwa diidan ay ka wadaan M/ Muqd isho, iyadoo madaxtooyadana ay dedaal badan ugu jirto sidii ay mooshinkaas ku fashilin laheyd, halka kuwa wadana ay ku dedaaalanayaan inay madaxweynaha ridaan oo ay meesha ka saaraan.

HAWEENEEY LAGU DILAY G/SH/ HOOSE

Wararka ka imaanaya G/Shabellaha Ho ose ayaa sheegaya in Koox Hubeeysan ay inta u dhaxeeysa Degaanada Janaale iyo Boodboodka ay ku dileen Haweeneey ka mid aheyd Dadka Reer Guuraagaa ee ku nool Gobolka. Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Koox Dableey ah ay dileen Ha weeneyda,waxaana sidoo kale halkaa ku dhaawacmay Labo Caruur ah oo ay Dha shay. Wararka ayaa intaa ku daraya in Dilka Haweeneeyda uu Salka ku hayo Aa rgoosi Qabiil sida ay noo xaqiijiyeen Goob joogey aal.Gobolka Shabellaha Hoose ay aa wa xaa ka dhaca Dilalka ku saleysan Habka Qabiilka,kaas oo mudo dhowr Sa no ah ku soo laab laabanayay Gobolka Sh/ Hoose. Maamulka G/Sh/Hoose wa li kama hadlin Dilka loo geystay Haweene yda lagu dilay inta u dhaxeysa Boodbood ka iyo Jan aale.

XOG-HAYAHA CUSUB EE XAFIISKA RA’IISUL WASAARAHA OO XILKII KALA WAREEGAY XOGHAYIHII HORE.

Muqdisho: Munaasabad ay xilka kula ka la wareegayeen Xog-hayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Xog-hayihii hore ayaa shalay lagu qabtay Xaf iiska Ra’iisul Wasaaraha, waxaana munaa sabadda goob-joog ka ahaa Ra’iisul Was aare ku xigeenka dalka Mudane Cumar Carte iyo dhamaan shaqaalaha Xafiiska.

Xog-hayihii Joogtada ee hore Mud ane Maxamed Cali Nuur oo hadal kooban jeediyay ayaa u mahad-celiyay shaqaala ha Xafiiska, isaga oo ku amaanay sida xil-kasnimada leh ee ay u gutaan waajibaad kooda shaqada xafiiska "Runtii intii aan xilkan hayay waxaa noo qabsoomay ho wlo badan, waxaana idinka codsanayaa in la sii wado, si wada jir ahna loo wajaho ho wlaha qaranka” ayuu yiri Mudane Maxam ed Cali Nuur.

Xog-hayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’ii sul Wasaare C/salaan Salwe ayaa uga mahadceliyey Shaqaalaha Xafiiska Ra’iis ul Wasaaraha soo dhaweynta diiran ee ay u sameeyeen, wuxuuna ballan-qaaday in uu howsha meeshaas kasii wadi doono, kana faa’iideysan doono khibradda baax adda wayn ee uu Xafiiska ugu yimid.

Ugu dambeyn, waxaa munaasabadda soo xiray RW ku-xixeenka Soomaaliya, Maxamed Cumar Carte oo u mahad cel iyay Xog-hayihii hore ee Xafi iska R/Was aaraha Mudane Maxamed Cali Nuur wux uuna ku tilmaamyay shaq ada uu xafiiska ka soo qabtay intii uu xilka hayay ay tus aale wanaagsan u tahay sii socoshada ho wlaha Xafiiska. "Walaalkey Maxamed Cali Nuur waxaan leeyahay runtii waxaa shaq ada laguu dhiibay waqti adag oo xasaasi ah,waxaad na qabatay shaqo badan oo shalay ka muuqata xafiiska R.W. Inaguna kumayna an dhigin meel cidlo ah, waxaan raje ynayaa in khibradiisa laga faaideysan doono. Xog-hayaha cusub waxaan isna le eyahay soo dhawoow xilka aad maanta la waeegtey waa mid culus oo laf-dhabar u ah howlaha qaranka”. —DHAMMAAD—

MEYDADKA SOOMAAALI KU JIRTAY GACANTA BOOLISKA KENYA OO LAGA HELAY WEBI KU

Meydadka 3dex dhalinyaro ah oo jirdil uu ka muuqdo, lana rumeysan yahay inay So omaali yihiin, ayaa laga helay webiga Mur anga ee mara bartamaha Kenya.

In muddo ahba waxaa jiray dhallinyaro badan oo lala'aa oo aan la ogeyn meesha ay ku dambeeyeen kuwaasoo markii cid u gu war-dambeysay ku jiray gacanta booli ska Kenya. Eheladoodana dhallinyaradaa si ayaa waxa ay sheegeen in ay wateen rag boolis isku sheegay ayna mudo badan raadinayeen meel ay jaan iyo cirib dhig een.Qaar ka mid ah siyaasiyiin gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa dowladda ka da lbanaya inay caddeeyso qaabka ay dhalin yaradaasi ku dhinteen, iyo halka ay jiraan kuwa maqan.

Xildhibaan Cabdikadir Oorre Axmed oo mudanaha laga soo doorto Galbeedka Wa jeer ayaa sheegay in arimahan ay yihiin kuwo soo laalaabtay oo aan loo dulqadan Karin, wuxuuna xusay iney booliska kala xisaabtamayaan.Tan & markii uu dhacay weerarkii Al-sha baab ku qaadeen Jaam acada Gaarisa oo lagu dilay 150 arday wa xaa isa soo tara yey dhalinyaro booliska Kenya ay u qab qabtaan tuhun la xiriira Al-shabaab kuwaa soo qaarkood la helay meydadkoo da halka kuwo kalena lala’ yahay Booliska gobolka woqooyi bari aya an illaa hadda arintan ka hadlin.

WARARKA CAALAMKA

BRITAIN OO SHALAY AFAR SANO KA DIB FURATAY SAFAA RADEEDII WADANKA IRAN

Xukuumadda london, ayaa waxaa Maanta u suurta gashay inay dib u furato safaaradeedii magaalada tehran ee xarunta wadanka iran, ka dib muddo afar sano ku dhow oo ay xirneyd.

Dadweyne careysan, ayaa bishii November ee sanadkii 2011-ka xoog ku galay Dhismaha Safaaradda Britain, xilli ay markaa taagneyd xiisad Iran kala dhaxeysay Wadamada Reer Galbeedka.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Britain, Philip Hammond, ayaa ka qaybgalay munaasabadda maanta dib loogu furay Safaaradaasi. Wuxuuna noqonayaa masuulkii ugu horeeyay oo Britain ka socda, booqashana ku tagga dalkaasi, muddo 12 sano ka dib.

Xoghayaha oo ka hadlaayay Munaasabadaasi, ayaa sheegay inay dhisayan xiriir wanaagsan, inkastoo uu qiray inuu jiro shaki weyn oo la qabo iyo arrimo muhiim ah, oo sida uu sheegay aragtiyo kala duwan laga haysto.

Xukuumadda Tehran, ayaa iyana lagu wadaa toddobaadkan inay dib u furato Safaaradeedii Magaalada London Ee Xarunta Wadanka Britain, ka dib sanado uu khilaaf u dhaxeeyay labada dhinac.

Tani, ayaa waxay ku soo beegmaysaa, iyadoo bartamihii sanadkan ay Iran iyo Reer Galbeedka heshiis ka gaareen barnaamijka nuclear-ka Iran. Tani waa bilow wanaagsan oo u bilowday Wadamada Reer Galbeedka iyo Iran.

Iran & Reer Galbeedka, ayaa dib u yegleelaya xiriirkoodii diblomaasiyadeed, iyadoona Iran lagu wado in laga qafiifiyo cunaqabataynta saaran ee dhaqaalaheedii wiiqay.

Britain Britain1 Britain2 Britain3 Britain4 Britain5 Britain6 Britain7

SARAAKIIL MARAYKAN AH OO TABABAR U SOO XIRAY CIIDAMO KU SOO FOOL LEH GUDAHA SOOMAALIYA

Saraakiil ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa tababar magaalada Kampala ugu soo xiray ciidamo badan oo u dhashay dalka Uganda.

Guuto Muhoozi Kainerugaba oo kamid ah saraakiisha ciidamada Uganda ayaa sheegay in ciidamadaasi tababarka loosoo xiray ay badal u noqon doonaan ciidamada dowlada Uganda kaga sugan Soomaaliya

Qoraal lagu baahiyay bog internet oo ay leeyihiin ciidamada dowlada Uganda ayaa lagu sheegay in ciidamada oo la baray sida loola dagaalamo cadowga.

Saraakiisha Mareykanka iyana sheegay in ciidamada Uganda la baray sida wax loo shiisho ayna dhameysteen tababarka la siinayay ciidamadaasi muddo dhowr bilood ah.

Ku dhowaad 10 kun askari ayaa dowlada Ugandha kaga sugan Somalia kuwaasoo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika uu horboodayo waana dalka ugu ciidamada badan dalalka ay ciidamadu ka joogaan Somalia.

CIIDANKA BADDA IRELAND OO BOQOLAAL TAHRIIBAYAAL AH KA BADBAADIYEY BADDA MEDITERRANEAN

Ciidanka Badda dalka Ireland ayaa la sheegay inay soo badbaadiyeen 225 Tahriibayaal. Kuwaasoo la socday labo doon oo ka soo shiraacday Xeebaha Liibiya, kuna soo jeeday Talyaaniga.

Markabka Dagaalka ee Le Niamh oo ay Mariniska Ireland leeyihiin ayaa u gurmaday Tahriibayaasha, oo qeylo-dhaan gurmad soo dirsaday, xilli ay ku sugnaayeen Badda Mediterranean Sea meel 112-KM dhanka Bari kaga toosan caasimadda dalka Libya ee Tripoli.

Afhayeen u hadlay Ciidanka ayaa sheegay in Hawlgalkaasi oo qaatay in ka badan 9 saacadood lagu soo badbaadiyey 107 qof oo isugu jiray rag, haween iyo carruur, oo la socotay Doonida Koowaad, halka doonida labaadna laga soo badbaadiyey 118 qof.

Afhayeenka ma sheegin dalalka ay ka soo kala jeedeen Tahriibayaasha oo si nabad ah ku gaaray Xeebaha Talyaaniga.

Inta badan Tahriibayaasha isku biimeeya Safarkaasi ayaa ka soo kala jeeda dalalka Somalia, Sudan, Eritrea iyo kuwo kale, iyagoo safarkaas qatarta u gala sidii ay qaarada Yurub uga heli lahaayeen nolol dhaanta tan dalalka ay ka yimaadeen oo ay la dageen dagaalo iyo saboolnimo

DARUUS CAAFIMAAD:- {MAXAA SABABA KABAABYADA}?

Kabaabyada ama kabuubyada (Paraesthesia/Tingling / Pricking /Numbness/Pins & Needles sensation) waa dareen qofka ka dar eemo maqaarka.

Dareenka kabuubyada waxaa loo kala qaadaa mid joogto ah iyo mid ku meelgaar ah.

Kabuubyada aan joogtada aheyn waxay u badanyahay gacm aha iyo lugaha, waxayna ka dhalataa cadaadis la saaray dareen side (nerve) taasoo ka dhalanaysa in dareenka uu ka tago qeybta neerfahaas uu dareenka siinayay.

kabuubyo

Dareenka wuxuu si aayar ah ugu soo laabtaa gacanta ama lugta la cadaadiyay in muddo ah ka dib.

Waxay kaloo ka timaadaa kabuubyadaan haddii aad iska jooji say daawooyinka qaar ka mid ah oo aad qaadan jirtay sida "Paroxe tine ama Fluoxetine”.

Kabuubyada joogtada ah waxay tilmaamaysaa in ay jirto:

Dhibaato xag neerfo ah

– Akhriso waa maxay Neerfe / Neerfo?: http://soma lidoc.com/smf /index.php?topic=5549.0

Dadka waayeelka ah in qulqulka dhiigga ee lugaha iyo gacmaha uu laciifo

Nafaqo darro iyo yaraanshada fitamiinnada qaar sida fitamiin B5 iyo B12.

Cudurrada kala ah: Sonkorowga ama Macaanka, shaqo yar enta qanjirka troodhka.

Jirro kala goysyada ah oo dhaawacday neerfo sida roomaatiisam ka, xanuun ku dhaco jalaqda una badan dadka kumbuyuutarka aad ka u garaaco "Carpal Tunnel Syndrome”.

Dhaawac toos ah oo ku dhaco neerfaha.

Waxaa kaloo jiro cillado kale oo badan oo keeni karo kabuubyada sida:

Dadka cabo Khamriga

Isticmaalka daawooyinka qalalka

Diiqada / Niyadjabka

Fuuqbaxa

Bootaasyam yarida

Sonkorta oo ku yaraato dhiigga

Haweenka dhalmo deyska ah

Madax xanuunka Migrain

Daawooyinka suuxdinta.

Iyo kuwo kale.

Haddii kabuubyada ay noqoto mid joogto ah waxaad u baahan tahay in aad la xiriirtid dhakhtar guud si uu u kala sooco cudurrada an aan kor ku soo sheegnay, ka dibne daryeel u heshid.

Badanaa kabuubyada ku dhacdo gacmaha iyo lugaha waa mid ka dhalatay cadaadis ku yimid neerfo, khaas ahaan sida aad shee gtay in ay tahay kabaabyo kaa heyso far kaliya.

Bal gadaal u fikir ma jiraan cadaadis dhawaanahaan aad saartay fartaada tusaale ahaan in aad imtixaanno ka shaqeynaysay oo qali nka cadaadis kaa saaray farta ama suxulka aad meel ku dhufsatay ama cillad kale ay jirto.

Haddii aad qabto su’aalo kale oo dheeraad ah halkaan ku soo gudbi: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html

NAAG IYO NASIIB RAGGA WAA EY KA FARXIYAAN {SHEEKO TAXANE AH}

Q/56-aad

Xul-Beella abaayo macaan ii muuji miraha farx ada iyo qalbi furan oo dareenkeyga raali geliya gaca liso Xul-Bee lla Abaayo Macaan naxariis taadaa qalbig eyga guntiisa lagu beeray waxaadna iga istaahishaa inaad noqoto cadrad la jecelaado

Ogowna macaanto Xul-Be ella sida shibiruhu ey geed aha ugu soo degaan ayaad adigana qalb ige ega ugu soo degtaa xilliga saa muleylka marka lagaa ro waxaan du sheeda saarana hay min aaradii jeceylka ee yaan dartaa ugu soo dhicine i bad-baadimacaanto oo yaanan no qon sida lammaanayaal soohd imaha jaceylka iska fadhiisan aya.

Ogowna Macaanto mida keliya ee aan kaa doon ayo ineey tahay inaad ii qalbi qaboojiso cammal dag gan oo ay naxariisi ka muuqato aad ii muujiso .

Ogowna Macaanto iney jirto xikmad soomaali yeed oo oraneyso {waxaa Barakeysan kuwa Naxar iista iyo nabadda ka shaqeeya}.

Gacaliso xul-Beella Abaayo Macaan waxaa tah ay cus badii qalbigeyga midda kale Xul-Beella Abba ayo Macaan muu qalkaada quruxda badan ayaa i dee qay in kastoo ay jiraan Murti Oraneysa :-{Buur Magaalo ku taalo ma Qarsoomi karto} ,adna sidaas oo kale ayaad indhaheyga iyo Gabdhaha dhexdooda aad ugu Qarsoomi karin .

Xul-Beella Abbaayo Macaan qalbigeygana sida {xaraf,dhibic ama bar} ayaad uga dhex sawiran tahay marnaba ha'isku dayin Xul-Beella Abbaayo Macaan inaad i dhexda iga dhig to xabsigii jeceylkja macaanto Xul-Beella Abbaayo Macaan waxaa jira maah-maah oraneysa {waa inaad dariskaada jecla atid cadawga adana aad nacbaatid}.

Ogowna gacaliso Xul-Beella Abbaayo Macaan inaad deriska ugu dhaw qalbigeyga mida kale {Ileyska Jirka waa isha} Adigana iftiinkii indhaheyga ay ka nuur qaadanayeen ayaa tahay macaanto.

Xul-Beella Abbaayo Macaan waxaa jira murti oraneysa {waxaa laga yaabaa in aad ka bad-baaddo Hirka badda laakinse aadan sirta naagahana aad ka bad-baadi weydo }, {Naagaha Qalbiga la siiyo ama la’ isku dhiibo hirarka badda waa ay ka Qatarsan yihiin}.

Ogowna macaanto iney jirto murti oraneysa {laba waxyaabood oo naarta lagu galo ayaa jirto

1-inaad miyuusiga iyo heesaha aad isa siisid iyo 2-inaad naagaha u Ooysid} Iyo mid kale oo Orane ysa {Naagaha indhah ooda wey xeelad badan yihiin marka muujadooda qayaanada ku soo qaabishana yeelo xeelad aad isku badbaadiso}

{Naag haddii lagaaga sheekeeyo ,waxba haka sheegin},Xul-Beella Abbaayo Macaan waxaan hubaa inaad ii soo bandhigi doontid hadallo aan ku qanco fikrad aan kashadana aad soo saari doontid waxaana ahay macaanto wiil mar walbaaba ku faraxsan la noolaanshahaada jecelna sheekadaada kaftankaada,fara ka ciyaarkaada,aanan marnaba ka daaleyn.

Macaanto waxaa I deeqay jirkaada dhisan ee haddana isku dheelli tiran,gacaliso qurux alle wuu kuugu deeqaye yaad anfac ugu gashaa Xul-Beella Abbaayo Macaanto, waxaan jeclahay huunnoinaan kaa dhunkado fool bilaha,dhabannada, dhaayaha iyo meelo kale oo muhiim igu ah ogoownahabeen iyo maalininaad qalbigeygaaad dhex huruddoMacaanto Xul-Beella,waxaan jeclahay inaad gacanta midigta aan kuugu keeno mac-macaan la cuno gacanta bidixdana aan kuugu dhiiboubax qurux badan oo hadiyad ah , indhaha beni;aadamkana u soo jiito sawirro iyo Dhan-Baallo kale oo muhiim ah,mar walbaa aan kulanno aan kuu sheego aqbaar farxad leh . Midda kale waxaan jeclahay gacalisoinaan laabta laabta kuu saaro qalbigaadana ku nasto ilaahna inaga dhigo lammaanayaal uu qalbigoodu isku xiran yahay sida laba ubax oo lammaane ah axdigii ay wada dhigteena alle uu la garab galo , doo qeyguna waa abuuridda qurxinta iyo waraabinta ubaxa jardiinooyinka aqalkeenna ka baxa maka aan hurdada ka soo toosana dhaayahaygu ayaa ku raaxeysta……

La soco isninta danbe hadduu alle idmo

Codsi Dadweyne Agiis Ayaa Loogu Soo Celiyey

W/Q C/QAADIR C/LLE NUUR {QALBI DAHAB}Tel:-0618455506





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip