"Waxa ay soo mareen Xarardheere illaa iyo wadada dheer bay soo mareen barigeeda iyo badeeda, waxaana oran karnaa arrintaasi abaabulka ah Dowladda Somaliya ee Federalka ayaan ka madax banaanayn, oo ay lug ku leedahay.” Ayuu yiri Wasiirka Amniga Puntland.
Wasiir Odawaa oo arrintaasi ka jawaabaayay, ayaa wuxuu sheegay inay ayaan darro tahay eedeymaha culus ee Puntland u soo jeedisay Dowladda Dhexe Somaliya, isagoona warkaasi ku sheegay mid xaqiiqda ka baxsan.
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa wuxuu soo hadalqaaday in Dowladda Somaliya ay la dagaalan kula jirto Ururka Al Shabaab, cid kastana ay ogtahay dagaalka u dhaxeeya labada dhinac.
Wasiir Odawaa, ayaa ku nuux-nuux-saday in eedayntan ay tahay mid wayn oo culus, Wasiirka Amniga Puntland-na looga baahnaa inuu ka fiirsado, hadalka uu ku hadaaqaayo, maadaama uu yahay nin masuul ah.
Mar la weydiiyay tallaabada Dowladda Somaliya kaga gudboon Shabaabka ku qul qulaaya deegaanada Puntland, ayuu sheegay in dadka Somaliyeed meelkastaa oo ay dalka ka jooggaan looga baahan yahay, inay meel kaga soo wada jeestaan waxa uu ugu yeeray cudurka nimankan argagaxisada.
Mr. Odawaa, ayaa intaa ku daray in argagaxisadu aanay ku harayn eedeymo la’isku jeediyo, loona baahan yahay in shacbiga Somaliyeed ay hal daraf ka noqdaan dagaalka lagula jiro kooxaha argagaxisada.



0 



Dowladda Somaliya oo ayaan darro ku tilmaamtay eedeymihii ay maanta u soo jeedisay Puntland
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliya, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), ayaa wuxuu si xoogan uu u beeniyay in Dowladda Somaliya, ay wax ka ogtahay Xoogagii Ururka Al Shabaab ee qabsaday deegaano ka tirsan Puntland.