Donald Trump iyo Hillary Clinton oo mar kale guulo ka gaaray gobolada Mareykanka

0
Wednesday March 16, 2016 - 10:12:08 in Wararka by
  • Visits: 732
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Donald Trump iyo Hillary Clinton oo mar kale guulo ka gaaray gobolada Mareykanka

    Musharaxiinta u tartamaya Xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimoqraadiga Donald Trump iyo Hillary Clinton ayaa mar kale guulo waa weyn ka soo hoyay doorashada horudhaca ah ee qaar ka mid ah gobolada Mareykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musharaxiinta u tartamaya Xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimoqraadiga Donald Trump iyo Hillary Clinton ayaa mar kale guulo waa weyn ka soo hoyay doorashada horudhaca ah ee qaar ka mid ah gobolada Mareykanka.

Donald Trump oo qarka u saaran inuu ku soo baxo Musharaxnimada xisbiga Jamhuuriga ayaa guulo ka gaaray doorashada Gobolada Florida, Illinois iyo North Carolina.

Hase ahaatee Donald Trump ayaa lumiyay gobolka Ohio, waxaana ka guuleystay musharaxa kale ee John Kasich, kaasoo hada u muuqda ninka la loolami kara Mr Trump.

Musharaxa kale ee sida aadka ah ay u xafiiltamayeen Donald Trump ee Marco Rubio ayaa ka haray tartanka is reeb reebka musharaxnimada Xisbiga Jamhuuriga, waxaana looga guuleystay Gobolka Florida oo uu ka soo jeeday.

Hillary Clinton ayaa iyadana laga yaabaa inay si dhib la’aan ugu soo baxdo Musharaxnimada Xisbiga Dimoqraadiga, markii ay ku guuleysatay Gobolada Ohio, Florida, Illinois iyo North Carolina.

Dad badan ayaa saadaalinaya in hadii ay isku soo baxaan musharaxnimada Donald Trump iyo Hillary Clinton, in laga yaabo in Ms Clinton ay ku guuleysato Madaxtinimada Mareykanka bisha November ee soo socota, waxaana ay noqon doontaa haweeneydii u horeysay ee Madaxweyne ka noqota Mareykanka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip