Muxuu ka yiri Lionel Messi kaddib guushii uu xulkiisa Argantina ka gaaray Bolivia??

0
Wednesday October 14, 2020 - 19:01:41 in Wararka by
  • Visits: 1712
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu ka yiri Lionel Messi kaddib guushii uu xulkiisa Argantina ka gaaray Bolivia??

    Kabtanka kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Argantina ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay guushii uu xalay xulkiisa ka gaaray dhigooda Bolivia, ciyaar ka tirsaneyd kulamada Isreeb-reebka ee koobka aduunka 2022. Xulka qaranka Argantina ayaa gu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kabtanka kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Argantina ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay guushii uu xalay xulkiisa ka gaaray dhigooda Bolivia, ciyaar ka tirsaneyd kulamada Isreeb-reebka ee koobka aduunka 2022. Xulka qaranka Argantina ayaa guul kaga gaaray dhigooda Bolivia 1-2, iyadoo labada gool ee xulka qaranka Tango ay u dhaliyeen xiddigaha kala ah Lautaro Martinez iyo Joaquin Correa. Ciyaarta kaddid Lionel Messi ayaa wuxuu boggiisa Instagram-ka ku muujiyay sida weyn uu ugu faraxsan yahay guusha uu xulkiisa qaranka Argantina ka gaaray Bolivia, wuxuuna sheegay in ciyaartu ay aheyd mid aad u adag. Inkastoo ay guul gaareen haddana Lionel Messi ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay in howlgalkooda kulamada Isreeb-reebka koobka adduunka 2022 ay wali uga harsan tahay waddo dheer, isla markaana ay u tahay tani xulkiisa bilow oo kaliya. Haddaba fariinta Lionel Messi uu ku soo qoray boggiisa Instagram-ka ayaa u dhigneyd sidan: "Bandhig muuqda, isla markaana weyn oo garoonka dhexdiisa ah marwalbana wax badan ayaan bixinaa". "Wali horteena waxaa jira kulamo badan oo ka tirsan Isree-breebka koobka aduunka, arrinta hadda waa biloow". "Aad ayaan ugu faraxsanahay guushan iyo in aan helno 6 dhibcood ilaa iyo hatan".




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip