Dhibaatada Korona Fayras ee Kooxda Liverpool oo halkeeda ka sii socota & xiddigii Shanaad oo lasoo sheegayo inuu soo ritay

0
Monday October 12, 2020 - 18:55:08 in Wararka by
  • Visits: 953
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhibaatada Korona Fayras ee Kooxda Liverpool oo halkeeda ka sii socota & xiddigii Shanaad oo lasoo sheegayo inuu soo ritay

    Saxaafada Ingariiska ayaa shaacisay fiidnimadan Axada ah in ciyaaryahanka khadka dhexe reer Guinea iyo kooxda Liverpool ee Naby Keïta uu ku dhacay Korona Fayras. Liverpool ayaa si rasmi ah u shaacisay Talaadadii la soo dhaafay in xiddigeeda ree

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saxaafada Ingariiska ayaa shaacisay fiidnimadan Axada ah in ciyaaryahanka khadka dhexe reer Guinea iyo kooxda Liverpool ee Naby Keïta uu ku dhacay Korona Fayras. Liverpool ayaa si rasmi ah u shaacisay Talaadadii la soo dhaafay in xiddigeeda reer Switzerland Xherdan Shaqiri uu ku dhacay Korona Fayras. Liverpool ayaa sidoo kale xilliyadii la soo dhaafay shaacisay in xiddigeeda dhawaangalka ah ee Thiago Alcantara uu ku dhacay Korona Fayras, si la mid ah weeraryahankeeda reer Senegal ee Sadio Mane iyo sidoo kale Konstantinos Tsimikas. Warbaahinta Ingariiska ayaa kaga nixisay taageerayaasha kooxda Liverpool inyar ka hor arrinta ku saabsan in xiddigooda khadka dhexe ee Naby Keïta uu ku dhacay Korona Fayras.

Milner hails Naby Keita:

Xiriirka Kubadda Cagta ee Guinea ayaa si rasmi ah u shaaciyay in AFAR ciyaartoy oo ku sugan xeradooda tababarka ay hadda qabaan caabuqa Korona Fayras.

Warbaahinta Ingariiska ayaa tilmaamtay in ciyaaryahanka khadka dhexe ee Naby Keïta la filayo inuu kamid noqdo magacyada uu ku dhacay caabuqa Korona Fayras.

Haddii Naby Keïta la xaqiijiyo inuu ku dhacay Korona Fayras, wuxuu laacibka seegi doonaa kulanka Merseyside derby ee Sabtida soo socota, iyo kulanka ay kaga daahfuran doonaan tartanka Champions League isla usbuucaas.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip