Golaha Wasiirada Somaliland oo Maanta Go'aan Cusub soo saaray

0
Thursday July 23, 2020 - 16:41:17 in Wararka by
  • Visits: 257
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wasiirada Somaliland oo Maanta Go'aan Cusub soo saaray

    Fadhigii 61aad ee golaha wasiirrada Somaliland ku yeeshay habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video Conference) oo uu shir-guddoomina yey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne Ku xigeenkiisa ayaa waxa golaha lagaga hadlay x

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fadhigii 61aad ee golaha wasiirrada Somaliland ku yeeshay habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video Conference) oo uu shir-guddoomina yey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne Ku xigeenkiisa ayaa waxa golaha lagaga hadlay xaaladda guud ee waxbaradshad, shaqaalaha aan joogtada ahayn ee ka hawlgala hay'adaha kala duwan ee dawladda, waxa kale oo goluhu dood ka yeeshay xeerka shaqaalaha dawladda iyo siyaasadda qaran ee shaqo abuurka Somaliland. Ugu horrayn wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska, ayaa golaha warbixin ka siiyey heerka waxbarashada ay marayso iyo sidoo kale himilooyinka waxbarashada ee ku qotoma maamul daadejinta waxbarashada, tayeynta waxbarshada iyo fidinta waxbarshada ee dalka oo dhan. Sidoo kale, Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa go'aamiyey dhaqan gelinta go'aamada ay golaha u soo jeediyeen guddi uu hoggaaminayey Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo ka koobnayd Toddoba wasiir iyo guddoomiyaha hay'adda shaqaalaha Maamulka, kuwaas oo hore loogu xilsaaray inay go'aan kama danbays ah ka soo gaaran qaabka loo maaraynayo shaqaalaha ku meel-gaarka ah ah ee ka hawlgala hay'adaha kala duwan ee dawladda, qodobadaas oo dhignaa sidan: 1- In tirada Shaqaalaha ku meel-Gaarka ah ee ku jiray warbixintii Hay'adda shaqaaluhu la wadaagtay Golaha wasiirrada oo dhammayd 1,009 (kun iyo sagaal) qof qof kana kooban 19 wasaaradood iyo 9 Hay'adood ay madax-taabasho, qiimayn iyo hubin ku soo samayso soona saarto liis kama danbays ah oo rasmiya.                              2-In xubnaha ku soo baxa liiska rasmiga ah ee shaqaalaha ah loo aqoonsado inay yihiin xubno shaqo carbin (Internship) kula shaqaynaya wasaaradaha iyo hay’adaha ay ka tirsan yihiin sidaasna ku diiwaan-geliso si ku meel-gaadh ah Hay’ada Shaqaalaha Dawladu sanadkan 2020.

           3- In iyadoo loo raacayo sida uu dhigayo habraaca sharci ee shaqo qorista iyo xulista ee Hay’adda shaqaalaha dawladdu ay dhammaan xubnaha shaqo carbinta loo diiwaangliyay lagu soo daro miisaaniyada 2021, iyadoo wasaarad iyo hay’ad kastaa tirada rasmiga ah ee ay u diiwaangelisay Hay’ada shaqaaalaha dawladu ku soo darsanayao oddoroska miisaaniyadda ay sanadka 2021.

           4- Wasaaradaha caafimaadka iyo Waxbarashada oo aan tirada shaqaalaha ku meel-gaarka ee qodobka 1aad ku cad ku jirin, kuwaas oo aan liisaskooda soo gudbin, waxaa la go’aamiyay in dib loo dhigo, loona qaybiyo 2 sanno oo is xiga, maaddaama tiradoodu badan tahay laga bilaabo sannadka 2023 ilaa 2024-ka.

         5- Waxa si rasmiya gebi ahaanba loo joojiyay lana madnuucay qaadashada xubno kumeel gaar ahaan wasaaradaha iyo Hay’adaha ku hawl-geliyaan sifo kasta oo ay tahay. Wasaaradda ama Hay’adda go’aankan ka dib qaadata shaqaale kumeel-gaar ah waxa loo aqoonsanayaa sharci darro baalmarsan xeerarka shaqaalaha.

            Ugu danbayn golaha wasiirada Somaliland ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey xeerka Shaqaalaha Maamulka oo kaabis iyo wax ka beddel lagu sameeyey, sidoo kale waxa uu goluhu dib u dhigay doodda Siyaasadda ee Shaqo abuurka Somaliland oo wasaaradda Shaqo-gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska ay golaha hor keentay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip