Madaxweyne ku xigeenka Galmudug "Hay'adaha Beesha caalamka kama howlgalaan Galmudug, sababo dhanka amniga ku aadan"

0
Saturday March 05, 2016 - 19:38:28 in Wararka by
  • Visits: 768
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne ku xigeenka Galmudug "Hay'adaha Beesha caalamka kama howlgalaan Galmudug, sababo dhanka amniga ku aadan"

    Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Max'ed Xaashi Carrabey ayaa sheegay in Hay'adaha ka socda Beesha Caalamka ee ka howlgala Somaliya ay ka baqayaan deegaannada uu ka arrimiyo Maamulka Galmudug,taas oo uu ku sheegay in ay tahay amni da

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Max'ed Xaashi Carrabey ayaa sheegay in Hay'adaha ka socda Beesha Caalamka ee ka howlgala Somaliya ay ka baqayaan deegaannada uu ka arrimiyo Maamulka Galmudug,taas oo uu ku sheegay in ay tahay amni darro.

Madaxweyne ku xigeenka waxa uu sheegay in Hay’adaha ka socda Beesha Caalamka ay inta badan joogaan goobaha ay ka howlgalaan Ciidanka Amisom, waxaana uu sheegay in deegaannada Galmudug aysan ka howlgalin Amisom sidaa darteedna ay tahay sababta Hay’adaha uga baqayaan.

Wuxuu intaa ku daray Maxamed Xaashi Carrabey in deegaannada Maamulka Galmudug ay amaan yihiin la iskuna halleyn karo,waxaana uu ugu baaqay Hay’adaha iyo wakiillada Beesha Caalamka in ay yimaadaan degaannada Galmudug,oo uu sheegay in aysan jirin cabsida ay ka sheeganayaan degaannadaasi.

Dadka deegaannada Galmudug ayuu ugu baaqay inay ka qeyb qaataan Amniga Galmudug, si ay uga soo dhiiradaan Beesha Caalamka iyo Hay’adaha la shaqeeya.

Waxa uu sheegay Maxamed Carabeey in Galmudug ay ku filan tahay amnigeeda in ay sugato islamarkaana Ciidamada Amisom ee jooga Somaliya aysan ka howlgaleyn degaannadooda maaddaama amniga ay iyaga sugayaan.

Hay’adaha ka shaqeeya arimaha gargaarka ayaanan si wanaagsan uga howlgelin Deeganada Galmudug, sababo ku aadan in Kooxaha Burcad badeeda ay afduub kula dhaqaaqaan Ajaanibta tagta deeganadaasi.

Galmudug oo ka mid ah Maamulada ka howlgala dalka Somaliya, ayaa deeganada uu ka arimiyo aysan ku sugneyn ciidanka Amisom.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip