Amniga magaalada Muqdisho oo isbedel weyn lagu sameeyay iyo howlgallo ka socda garaashyada

0
Saturday March 05, 2016 - 19:20:57 in Wararka by
  • Visits: 930
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Amniga magaalada Muqdisho oo isbedel weyn lagu sameeyay iyo howlgallo ka socda garaashyada

    Magaalada Muqdisho waxaa ka dhaqan galay go'aanadii laga soo saaray dhinaca amniga, iyadoo maamulka gobolka Banaadir uu bilaabay howlgallo nooc cusub ah oo fara badan isla markaana 17-ka degmo ee gobolka laga qaaday olole nooc cusub ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Muqdisho waxaa ka dhaqan galay go'aanadii laga soo saaray dhinaca amniga, iyadoo maamulka gobolka Banaadir uu bilaabay howlgallo nooc cusub ah oo fara badan isla markaana 17-ka degmo ee gobolka laga qaaday olole nooc cusub ah.
24-kii saac ee la soo dhaafay ciidamada Dowladda kuwooda miino baarista ayaa howlgallo ka sameeyay garaashyada magaalada Muqdisho, isla markaana gawaarida ku jira lagu diiwaan gelinayo, iyadoo milkiilayaasha garaashyada la faray awaamiir la xariirta in goob kasta oo ganacsi gawaarida timaada lagu xiiro walxaha qarxa.

Dhammaan isgoysyada magaalada Muqdisho waxaa lagu daadiyay ciidamo kala duwan oo socda maamulka gobolka Banaadir, kuwaasi oo iyagu baaraya gawaarida isla markaana su’aalo lagu weydiinayo wadaha gaariga, iyadoo la qabanay gaarigii aanu wadan ninkii iska lahaa.

Howlgaladaan ka socda magaalada Muqdisho oo ah kuwii ugu ballaarnaa isla markaana ka duwan howlgaladii hore, ayaa waxaa lagu diiwaan gelinayaa guryaha ku yaala 17-ka degmo, iyadoo milkiilayaasha guryaha loo sheegay in gurigii lagu helo falal amniga ka dhan ah lala wareegayo, isla markaana laga qaadayo tallaabooyin kale oo aan la shaacin.

Tallaabooyinkaan dhinaca amniga loo qaaday ayaan la ogeyn waxa ay ka bedeli karto nabadgelyada magaalada Muqdisho, iyadoo tallaabooyinkani dadka qaarkii ay sheegeen inay yareyneyso falalkii ka dhici jiray, isla markaana kor u qaadeysa xasiloonida iyo degenaanshaha caasimada dalka ee Muqdisho.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip