Dowladda Eritrea oo sii daysay 80 qof oo Ethiopian ah.
Dadkaasi la sii daayey oo ahaa Xoogsato ayaa sii deysamadooda timid ka dib markii ay Dowladda Sudan dadaal u gashay siidaynta dadkaasi oo dhawaan laga soo qafaashay Gobalka Tigreeyga ee Waqooyiga Ethiopia, kuna dhow xuduudka Eritrea.
WargeyskaThe Sudan Tiribune ayaa qoray in Dadkaasi oo ahaa Xoogsatadda Dahabka in dib loogu celiyey dalkooda hooyo, iyagoo sii maray dalka Sudan.

Ma aha afduubkii ugu horreeyey ee ka dhaca xuduudka dalalka Ethiopia iyo Eritrea, iyadoo Ciiddanka Eritrea afduub nooc ahi ku soo qafaasheen in ka baadan 100 macdan-qodayaal Ethiopian sannadkii 2012-kii.
Milliteriga labadaasi dal ayaa waxaa dhex maray iska horimaad socday muddo 2 sanno ah , iyadoo ay ku geeriyoodeen ugu yaraan dad gaaraya 70-kun oo qof.

0 