Faah-faahin ka soo baxeysa Qaraxyada ka dhacay Degmada Baardheere

0
Saturday March 05, 2016 - 18:46:40 in Wararka by
  • Visits: 702
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah-faahin ka soo baxeysa Qaraxyada ka dhacay Degmada Baardheere

    Saraakiisha ciidamada Dowladda Federalka Somaliya ee Degmada Baardheere, ayaa faah-faahin ka bixiyay Qaraxyo saaka ka dhacay Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saraakiisha ciidamada Dowladda Federalka Somaliya ee Degmada Baardheere, ayaa faah-faahin ka bixiyay Qaraxyo saaka ka dhacay Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Qaraxyada oo ahaa Shan qarax ayaa ka dhacay Wadada Dheer ee Bartamaha ka marta Degmada Baardheere, waxaana ay sababeen Qaraxyadaasi Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska Baardheere oo lagu magacaabo Cabdi Sheekh Xasan, ayaa sheegay Qaraxyadaasi in lala damacsanaa ciidamada Itoobiya oo Biyo ka soo doontay gudaha Magaalada.

Wuxuu sheegay hal ruux oo shacabka Degmada Baardheere ah inuu ku geeriyooday Qaraxyadaasi, ruuxaasi oo magaciisa uu ku sheegay C/raxmaan Sheekh Xeroow.

Ciidamada Itoobiya ayuu sheegay in labo Askari ay waxyeelo ka soo gaartay, balse uusan xaqiijin karin inay jirto dhimasho iyo dhaawac ah oo ciidamada Itoobiya soo gaaray.

Si gaar ah Qaraxyadan waxa ay kaga dhaceen wadada u dhaw Shirkadaha, isaga oo sheegay Sarkaalkaan in ciidamada ay ku guuleysteen inay soo saaraan labo Miino.

Magaalada Xaaladeeda ayuu sheegay inay tahay mid nabdoon oo aysan wax saameyn ah yeelan Qaraxyadaasi ka dhacay Bartamaha Magaalada Baardheere.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip