Booliska ayaa dadkaas u adeegsaday sunta indhaha ka ilmeysiisa iyo tubooyinka biyaha tuura, si loo kala eryo dibad baxayaasha.
Wargeyska Zaman waxaa akhrista in kabadan hal milyan oo qof, tiradaasi oo ka dhigan in ka badan laba jibbaar tirada dadka akhrista wargeysyada kale ee uu tartanka kala dhexeeyo.
Tifaftiraha Wargeyska C/xamiid Bilici ayaa ku tilmaamay tallaabada la wareegida Wargeyska inay dalka gelineyso maalin madow.
Waxaa uu sheegay in tani ay xadgudub ku tahay saxaafada xorta ah, isla markaana dowladdu ay ku af qabaneyso xoriyatul qowlka iyo warbaahinta madaxa banaan ee si dhab ah u soo gudbiya xaqiiqda jira.
Wargeyskan ayaa lala xiriiriyaa Dhaq dhaqaaqa Hizmet oo uu hogaamiyo Wadaad Muslim ah oo lagu magacaabo Fethullah Gulen oo ku nool dalka Mareykanka, waxaana wadaadkan ay is khilaafeen Madaxweyne Receb Tayyib Erdogan.



0 



Dowladda Turkiga oo la wareegtay Wargeyska ugu weyn ee dalkaas ka soo baxa
Dowladda Turkiga ayaa la wareegtay xarun Wargeys oo ku yaala magaalada Istanbul, kadib markii Maxkamad ay xukmisay in lala wareego wargeyska. Booliska ayaa xoog ku galay Xarunta Wargeyska Zaman oo ka mid ah wargeysyada ugu waa weyn ee dalka Turkig