Kalfadhiga Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta la soo xirayo{DHAGEYSO}
Kalfadhiga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in la soo xiro,iyadoo Xildhibaanada ay qaadan doonaan mudo kooban oo Fasax ah.
Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo ah Habdhowraha Baarlamaanka ayaa Radio Kulmiye u sheegay in Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka maanta la soo xirayo,waxaana sidoo kale maanta Baarlamaanka hor imaanaya inta badan Golaha Wasiirada Soomaaliya oo Su’aalo la weydiin doono.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalmihii dambe waday Su’aalo weydiin ku la xariirta dhanka Amniga,iyadoo Ra’iisul Wasaaraha iyo Saraakiil Ciidan ay qeyb ka ahaayeen Su’aalo weydiinta.
Halkaan Riix si aad Codka u dhjageysato
xigashoradiokulmiye.com

0 