Dawlado Carbeed oo ururka Xisbullahi ku daray liiska ururada aragixisada
Wadamada ku jira golasha iskaashiga khaleejka Carabta ayaa ku dhawaaqay inay ururka Xisbullahi ee ka jira dalka Lubnaan ay u aqoonsadeen urur argagixiso.
War kasoo baxay golaha wadamadaan waxay ku sheegeen in marka loo eego xaaladda gobolk ay arkeen in ururkaan uu cadow ku yahay amaanka wadamada gobolka sidaa darteed ay u aqoonsadeen inuu ka mid yahay ururada argagixisada.
Warkaan waxaa sidoo kale lagu sheegay in ururka Xisbullaahi uu taageero u muujiyay dawlad xasuuq wadankeeda ka wada taasoo loola jeedo dawlada Suuriya ee lagu kacsan yahay.
Ururka Xisbullaahi oo ka dhisan dalka Lubnaan madaxdiisuna ay Shiico yihiin waxaa uu ka mid yahay ururada Carbeed ee dagaalka kula jira dawlada Israel waxaase sanadihii dambe lagu eedeeyay inuu ciidamo ku caawiyay dawlada Syria oo dagaal kula jirta kooxo ku kacsan.

0 