
Qaraar laga soo saarayo kulankii Baarlamaanka & Ra'iisal Wasaaraha (Dhageyso Xildhibaan ka hadlaya qodobada laga hadlay)
"Waxaan ka sugeynaa Ra’iisal Wasaaraha iyo madaxda kale inay ficil u bedelaan waxyaabihii aanu ka wadahadalnay” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed C/laahi Xasan Fadhayo oo ka mid ah 20-kii xildhibaan ee xalay su’aalaha weydiisay.
Xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay in maalinta berri ah la soo saarayo qaraar ku saabsan waxyaabihii laga wadahadlay, taasi oo lagu go’aamiyay in xukuumadu la timaado la timaado waxqabad muuqda isla markaana ay wax ka qabato howlaha looga fadhiyo.
"Muddo hal sano ah ayay xukuumadu wax ka qaban la’dahay dhinacyada amniga, maamul wanaagga, la dagaalanka musuqmaasuqa iyo arrimo kale oo fara badan” ayuu yiri Xildhibaan Fadhayo oo sheegay dhinaca kale in haddii ay xukuumadu waxqabad la imaan weyso Baarlamaanku go’aan kale ka gaarayo.
Audio Player


0 



Qaraar laga soo saarayo kulankii Baarlamaanka & Ra'iisal Wasaaraha (Dhageyso Xildhibaan ka hadlaya qodobada laga hadlay)
Golaha Baarlamaanka Federaalka ayaa shaaca ka qaaday inuu berri shaacinayo qaraar sharciga waafaqsan go'aanka uu ka gaaray kulankii albaabada u xirnaa ee ay la yeesheen Ra'iisal Wasaare Cumar C/rashiid, Wasiirka Amniga C/risaaq Maxamed Cuma