Qarax ka Dhacay Turkey oo lagu Dilay Saraakiil Boolis

0
Friday March 04, 2016 - 20:45:24 in Wararka by
  • Visits: 774
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax ka Dhacay Turkey oo lagu Dilay Saraakiil Boolis

    Saraakiisha dalka Turkiga ayaa sheegay in mucaaradka Kurdish-ka ay baabuur ku qarxiyeen meel u dhow saldhig booliis, halkaasi oo ay ku dileen laba sarkala oo boolis ah, kuna dhaawaceen 35 qof oo kale.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saraakiisha dalka Turkiga ayaa sheegay in mucaaradka Kurdish-ka ay baabuur ku qarxiyeen meel u dhow saldhig booliis, halkaasi oo ay ku dileen laba sarkala oo boolis ah, kuna dhaawaceen 35 qof oo kale.

Saraakiisha ayaa sheegay in weerarka uu ka dhacay magaalada Nusaybin ee koonfurta bari ee Turkiga, kuna dhow xuduudda Syria.

Ciidamada ammaanka ayaa waxa ay iminka magaalada Nusaybin kula dagalamayaan mintidiin lala xiriiray kooxda Kurdish-ka ee PKK.

Dhibanayaasha badankood ayaa la rumeysan yahay inay yihiin saraakiil Booliis, hase yeeshee waxa ku jira ugu yaraan laba qof oo dhaawac ah.

Weerarkan oo dhacay xilli hore jimcaha maanta ah, ayaa waxyeelo xooggan gaarsiiyey dhismaha saldhigga booliiska.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip