
Erdogan oo sheegay in la xakameyn doono baraha bulshada
Ka dib waxaa xigay in fariimo baraha bulshada la isku weydaarsaday kuwaas oo lagu sheegayo in uusan wasiirku dhalin wiilka ayagoo gabadha Erdogan ku tuhmay golal dhaaf.
Madaxweyne Erdogan ayaa amray in baaritaan lagu sameeyo kuwa weerarka ku qaaday qoyskiisa.
"Waxaan baacsan doonaa kuwa fulayada ah ee weeraraya qoys qiimo leh,” ayuu yiri Erdogan.
Madaxweynaha Turkiga ayaa shirakadaha caalamiga ah ee baraha bulshada iska leh ku eedeeyay in ay ku xadgudbaan shuruucda dalkiisa.
Wasiirka arrimaha gudaha Turkiga, Suleyman Soylu, ayaa sheegay in qaar kamid ah dadkii lagu tuhmay in ay ka dambeeyay xadgudkan la soo qabtay, qaar kamid ah Turkida ayaa qabtay banaan baxyo lagu dhaleeceynayo kuwa weeraray qoyska madaxweynaha, waxaana kamid ah mucaaradka dowladda.
Xukuumadda Ankara ayaa badanaa waxaa ay xirtaa siyaasiyiinta mucaaradka ah kuwaas oo qaarkood si weyn u dhaliileen qaabkii uu u maareeyay safmarka COVID-19.
Waxaa ay beegsadaan siyaasiyiinta, suxufiyiinta, aqoonyahnada iyo qareenada fekirkooda ku soo bandhiga baraha bulshada.


0 



Erdogan oo sheegay in la xakameyn doono baraha bulshada
Madaxweynaha Turkiga ayaa wacad ku maray in uu xakameyn doono baraha bulshada ka dib markii aflagaado loo geystay gabadhiisa iyo wiilka uu sodoga u yahay xilli ay shaaciyeen dhalashada wiilkooda affaraad. Hadalkan ayuu Erdogan uu ka