C/raxmaan Boore: "Waan ka xumahay in dacwad hal shaqsi ah lagu bixiyo $90 Milyan oo shacabka Jabuuti ka baahan yahay"

0
Thursday March 03, 2016 - 21:02:30 in Wararka by
  • Visits: 783
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    C/raxmaan Boore: "Waan ka xumahay in dacwad hal shaqsi ah lagu bixiyo $90 Milyan oo shacabka Jabuuti ka baahan yahay"

    Ganacsadaha caanka ah ee dalka Jabuuti C/raxmaan Boore ayaa shaaca ka qaaday inuu ku guuleystay dawad uu sheegay inuu ku soo oogay Madaxweynaha Dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ganacsadaha caanka ah ee dalka Jabuuti C/raxmaan Boore ayaa shaaca ka qaaday inuu ku guuleystay dawad uu sheegay inuu ku soo oogay Madaxweynaha Dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Dacwadaan oo socotay muddo afar sano ah ayaa maxkamad ku taala dalka Ingiriiska waxay ku weysay dembiga lagu soo oogay, wuxuuna ganacsade C/raxmaan Boore sheegay in iyadoo shacabka Jabuuti ay baahi la daalaa dhacayaan dacwadiisa lagu bixiyay dhaqaale fara badan.

Cabdiraxmaan-Boorle

"Waan ka xumahay in dacwad hal shaqsi ah lagu bixiyo $90 Milyan oo shacabka Jabuuti ka baahan yahay” ayuu yiri ganacsade C/raxmaan Boore oo sheegay in dacwadda uu si shaqsi ah Madaxweynaha Jabuuti ugu soo oogay.

Waxaa kale oo uu sheegay inuu ku faraxsan yahay go’aanka ka soo baxay maxkamadda qaada dacwadaha ganacsatada ee ku taala magaalada London, isagoona sheegay in dacwadda aanay ka imaanin dadka iyo dalka Jabuuti, balse ay tahay mid shaqsi ah.

xigasho:-somaliweyn.com

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip