Xoolo laga dhoofiyay dalka Soomaaliya oo gaaray dalka Masar

0
Thursday March 03, 2016 - 20:45:44 in Wararka by
  • Visits: 689
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoolo laga dhoofiyay dalka Soomaaliya oo gaaray dalka Masar

    Xoolo laga dhoofiyay dekedaha dalka Soomaaliya ayaa gaaray dalka Masar kadib markii heshiis ay gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Masar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoolo laga dhoofiyay dekedaha dalka Soomaaliya ayaa gaaray dalka Masar kadib markii heshiis ay gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Masar.
Inkabadan labo kun oo neef oo geel ah ayaa gaaray dalka Masar iyagoo la geeyay kanaalka Suez maanta.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Siid Xuseen Ciid ayaa u sheegay idaacada codka Maraykanka VOA in heshiis ay kala saxiixdeen labada dal bartamihii sanadkii hore kulan ka dhacay dalka Masar kadibna ay gaareen dalka Soomaaliya wafdi ka socda dowlada Masar.

"Waa markii ugu horeysay xoolo Soomaaliya laga dhoofiyo oo la geeyo dalka Masar taasina waxa ay ku timid heshiiskii ay labada dowladood gaareen,”ayuu yiri Siid Xuseen Ciid. Munaasabad ballaaran oo lagu soo dhoweynayay xoolaha dalka Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay dekedii xoolaha ay ka soo degeen.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha dowlada Soomaaliya waxa uu beeniyay in xoolo dheddig dalka Soomaliya laga dhoofiyo ayna yihiin xoolaha la dhoofiyo xoolaha labka ah gaar ahaan kuwo la dhufaanay.


Shacabka Soomaaliyeed ayaa suuqan cusub oo ay ka heleen dalka Masar waxa ka soo geli kara lacago adag oo dalka loogaga baahan yahay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip