DEG DEG: Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo dil toogasho ku xukuntay Xasan Xanafi

0
Thursday March 03, 2016 - 12:31:34 in Wararka by
  • Visits: 684
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG: Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo dil toogasho ku xukuntay Xasan Xanafi

    Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta u fariisatay dhageysiga dacwada loo heystay Xasan Xanafi Xaaji, kaasoo loo heystay inuu maleegay dilal loo geystay Wariyeyaal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta u fariisatay dhageysiga dacwada loo heystay Xasan Xanafi Xaaji, kaasoo loo heystay inuu maleegay dilal loo geystay Wariyeyaal.

Maxkamada ayaa ku xukuntay Xasan Xanafi dil toogasho ah, iyadoo xafiiska xeer ilaalinta uu ku soo oogay dambi ah inuu ku lug lahaa dilalka illa afar wariye oo Muqdisho lagu dilay sagaalkii sano ee u dambeeyay

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Xasan Xanafi ku soo eedeeyay dilka iyo ku lahaanshaha Marxuumiintan kala ah:-

1- Mahad Axmed Cilmi oo la dilay 11-08-2007


2- Cali Iimaan Sharmaake oo la dilay 11-08-2007
3- Saciid Tahliil Axmed oo la dilay 4/02/2009
4- Muqtaar Maxamed Hiraabe oo la dilay 08-06-2009
5- Sheekh Nuur Abkeey oo la dilay 04-5-2010

Sidoo kale Maxkamadda ayaa dhageysatay marqaatiyaal la hor keenay Maxkamadda, waxaana ay dhamaantood ku marag fureen Xasan Xanafi Xaaji inuu ahaa Sarkaal ka tirsan Al-habaab oo dilalka iyo shirqoolada wariyeyaasha u qaabilsanaa.

Waxaa kaloo Xasan Xanafi la sheegay inuu qirtay dambiyada qaarkood, isla markaana ku lug lahaa dilal qaar loo geystay Wariyeyaasha.

Bishii la soo dhaafay ayay aheyd markii Barnaamij loogu magac daray Dilaaga Wariyaha laga sii daayay Telefishinka dowladda ee SNTV, kaasoo Xasan Xanafi uga hadlay dilal badan oo loo geystay Wariyeyaasha, waxaana uu mas’uuliyada dilalkaas dusha ugu tuuray Al-Shabaab, qaarkoodna wuxuu qirtay inuu ka qeyb qaadatay oo uu wax ka maleegay

xigasho:-jowhar.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip