
Golaha Ammaanka ee QM oo Cunno-qabateyn Cusub kusoo Rogtay Waddanka Waqooyiga Kuuriya
Sidoo kale, waxay ku eedeysay Xukuumadda Pyongyang ay xoojinayso Hubka Nuclear-ka iyo Gantaalladeeda meelaha fog gaari kara, halkii ay wax ka qaban lahayd baahiyaha dadka waddankeeda ku nooli ay qabaan.
Warbixin laga soo saaray Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa soo dhaweeyay cuno-qabteynta Cusub ee lagu soo Rogay Kuuriyada Waqooyi, iyadoo Madaxweyne Barack Obama uu ku sheegay Qoraalka kazoo baxay Aqalka Cad inay tani Jawaab cad u tahay Tijaabooyinkii hubka khatarta ahaa.
"Bulshada Caalamka oo dhan waxay ku hadlayaan waa hal cod, waxayna farriin u dirayaan Xukuumadda Pyongyang, taasoo ah inay joojiso Barnaamijyadeeda halista ah oo ay wado, kuna bedesho inay shacabkeeda wax u qabato,” ayuu ku yiri Obama warbixinta laga soo saaray Aqalka Cad.
Dhanka kale, Xukuumadda Waqooyiga Kuuriya ayaa waxay maanta oo Khamiis ah tijaabo dhanka hubka ah ku sameysay badda dalkeeda marta… kaddib markii shalay lagu soo rogay cunno-qabteyn adag.
Ugu dambeyn, ma ahan markii ugu horreysay oo Xukuumadda Pyongyang lagu soo rogo cunno-qabteyn, iyadoo dalkan uu horay dhowr jeer oo hore jabiyay cunno-qabteynno lagu soo rogay.


0 



Golaha Ammaanka ee QM oo Cunno-qabateyn Cusub kusoo Rogtay Waddanka Waqooyiga Kuuriya
Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ayaa ansixiyay shalay cunno-qabateyn cusub oo lagu soo rogay Waddanka Kuuriyada Waqooyi, kaddib tijaabadeedii gantaaallada ridada dheer iyo Hubka Nuclear-ka.