Booliska Kenya oo gacanta ku dhigay Rag doonaayay inay Qaraxyo ku xiraan goob uu booqanaayay Madaxweynaha Kenya

0
Thursday March 03, 2016 - 10:42:18 in Wararka by
  • Visits: 656
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska Kenya oo gacanta ku dhigay Rag doonaayay inay Qaraxyo ku xiraan goob uu booqanaayay Madaxweynaha Kenya

    Sida lagu daabacay maanta oo Khamiis ah Wargeysyada ka soo baxa dalka Kenya, ciidamada Booliska Kenya ayaa Talaadadii la soo dhaafay, waxa ay gacanta ku dhigeen labo nin oo ka mid ah uu yahay Ciidamada Booliska, kuwaasi oo qorsheynaayay in waxyaabaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida lagu daabacay maanta oo Khamiis ah Wargeysyada ka soo baxa dalka Kenya, ciidamada Booliska Kenya ayaa Talaadadii la soo dhaafay, waxa ay gacanta ku dhigeen labo nin oo ka mid ah uu yahay Ciidamada Booliska, kuwaasi oo qorsheynaayay in waxyaabaha qarxa ay ku xiraan goob uu booqanaayay Madaxweynaha Kenya.

Wargeyska The Standard ee ka soo baxa dalka Kenya, ayaa qoray Warbixinta amuurtaan la xiriirta, waxaana Booliska ay sheegen in labadan nin ee la qabtay ay rabeen aalad Qaraxda inay ku xiraan Dugsiga Tababarka Boliska ee Xaafadda Embakasi ee magaalladda Nairobi oo uu Madaxweyne Uhuru Kenyatta kaga qeyb galayey Munaasabad tababar loogu soo xirayey 1,976 Saraakiil cusub.

Booliska waxa ay sheegeen labadaasi ruux oo mid ka mid ah uu ka tirsan yahay ciidamada Booliska Kenya in loo gudbiyay Xarunta baarista Argagixisada dalka Kenya, si baaritaano dheeri ah loogu sameeyo.

Khuburo, ayaa sheegtay waxyaabaha Qarxa ee raggaasi ay doonayeen inay ku xiraan goobtaasi inay dhalin laheyd waxyeelo weyn oo saameyn culus reebta.

Qabashaddan raggaan ayaa timid dhowr maalin kadib, markii uu Hoggaamiyaha Al Shabaab ee ka hawlgala gudaha Kenya, Axmed Iimaan Cali ku hanjabay inay weeraro culus ka fulin doonaan Kenya.

Ciidamada Booliska Kenya oo caan ku ah qaadashada laaluushka, ayaa sabab ka dhigeysa in ciidanka dhexdooda loo adeegsado fulinta falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka, iyadoo lagu bixinaayo Qarash badan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip