Jubbaland oo ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Al-Shabaab

0
Monday June 08, 2020 - 21:19:06 in Wararka by
  • Visits: 380
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jubbaland oo ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Al-Shabaab

    Taliyaha Ciidamaada Daraawishta Dawlad Goboleedka jubbaland Janeral Aadan Moxamuud Goojaar ayaa Booqday Maanta furimaha hore ee Ciidamada Jubbaland ku sugan yihiin ee gobolka jubbada Hoose. Saldhigyada uu boqday taliyaha ayaa waxaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidamaada Daraawishta Dawlad Goboleedka jubbaland Janeral Aadan Moxamuud Goojaar ayaa Booqday Maanta furimaha hore ee Ciidamada Jubbaland ku sugan yihiin ee gobolka jubbada Hoose. Saldhigyada uu boqday taliyaha ayaa waxaa kamid ah Deegaanada Buula Guduud,Baar Sanguuni iyo Aar Aare,halkaas oo mararka qaar ay Ciidamada Jubbaland ka sameeyaan howlgallo kala duwan. Taliyaha oo Saraakiisha Ciidamada la hadlayay ayaa ugu baaqay inay u diyaar garoobaan howlgallo dib loogu xoreynayo Caasimadda Dawlad Goboleedka Jubbaland iyo deegaanada kale ee kujira Gacanta Al-Shabaab. Jubbaland ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ay ku dhawaaqeen howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab,hayeeshee weli go'aankaas uusan ka dhaqan gelin deegaannada Dowlad Goboleedka Jubbaland.

        



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip