
Gudoomiyaha Deegaanka Lamu "Cabsida ugu weyn ee aan qabno waa in Al-Shabaab.."
Gudoomiyuhu waxaa uu sheegay in sababta uu u diidan yahay in xeradaas degaankiisa laga sameeyo ay tahay cabsi uu ka qabo in inta Al-Shabab weeraraan ay saameyn ku yeelato dadka magaalada degen.
"Cabsida ugu weyn ee aan qabno waa in Al-Shabab ay ciidamadaas marka ay doonaan weerari karaan markaasna waa dareemi kartaan dhibaatada shacabka kasoo gaaraysa” ayuu yiri gudoomiya degaanka Lamu.
Waxaa uu gudoomiyahaan ku tilmaamay qorshaha ciidamada lagu geynayo degaankaas inuu ka dhiganyahay in dadka rayidka ah barakacaan maadaama ay halis kaga imaan karto.
Xubno ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Kenya ee degaankaasi laga soo doorto ayaa si kulul uga hadlay go’aanka gudoomiyaha kasoo baxay waxaana ay ku tilmaameen mid Al-Shabab loogu hiilinayo.
Al-Shabab dhawr jeer ayay weerareen magaalooyin ku yaala gudaha Kenya oo ay williba dad badan dad badan ku waxyeeleen.


0 



Gudoomiyaha Deegaanka Lamu "Cabsida ugu weyn ee aan qabno waa in Al-Shabaab.."
Warbaahinta Kenya qaarkood ayaa qoray in gudoomiyaha degaan xeebeedka Lamu oo Kenya ku yaala inuu diiday in xero ay degaan ciidamada militryga in laga sameeyo degaankaas kadib markii uu sheegay inay caqabad ku tahay amaanka dadka degaanka degan.