Xasan Xanafi oo maanta la soo taagayo Maxkamad

0
Thursday March 03, 2016 - 09:34:27 in Wararka by
  • Visits: 752
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan Xanafi oo maanta la soo taagayo Maxkamad

    Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta bilaabeysa dhageysiga dacwada loo heysto Xasan Xanafi Xaaji oo loo heysto inuu maleegay dilal loo geystay tiro Saxafiyiin ah oo ka howl galayay magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta bilaabeysa dhageysiga dacwada loo heysto Xasan Xanafi Xaaji oo loo heysto inuu maleegay dilal loo geystay tiro Saxafiyiin ah oo ka howl galayay magaalada Muqdisho.

 Sida ay sheegayaan wararka Maxkamadeyntan ayaa noqoneysa tii u horeysaytan iyo markii gacanta lagu soo dhigay dhamaadkii bishii December sanadkii 2014.

Xasan Xanafi ayaa ka soo muuqday muuqaal ay baahisay Warbaahinta dowladda, kaasoo uu uga hadlayay dilalkii loo geystay Wariyeyaashii Muqdisho ka howl galayay iyo gacantii uu ku lahaa.

Qaar ka mid ah Wariyeyaasha Muqdisho ayaa horay u dalbaday in Xasan Xanafi cadaalad la horkeeno, iyagoo ku eedeeyay inuu ka dambeeyaysaaxibadood lagu dilay Muqdisho sanadihii u dambeeyay.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa la filayaa inay xukun ku riddo, marka ay dhammaato dhageysiga dacwaddaas, waxaana inta badan Warbaahinta maxalliga ee Muqdisho ay saaka tabinayeen Maxkamadda la soo taagayo Xasan Xanafi.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip