WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA KHAMIIS 3-DA MAARSO 2016-KA

0
Thursday March 03, 2016 - 07:42:10 in Wararka by
  • Visits: 934
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA KHAMIIS 3-DA MAARSO 2016-KA

    MADAXWEYNAHA OO SOO DHOWEEYAY GO'AANKII GOLAHA WASIIRADA EE XOOJINTA AMNIGA MAGAALADA MUQDISHO Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo dhoweeyay go

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAHA OO SOO DHOWEEYAY GO'AANKII GOLAHA WASIIRADA EE XOOJINTA AMNIGA MAGAALADA MUQDISHO Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo dhoweeyay go'aamadii ka soo baxay Golaha Wasiirada ee la xiriiray amniga magaalada Muqdisho.

 

Madaxweynaha oo horkacayey kulamo degdeg oo ay yeesheen Golaha Wasiirada saddexdii maalmood ee la soo dhaafay, laguna gorfeynayey tallaabooyin cusub oo lagu xoojinayo amniga, ayaa ku bogaadiyey Golaha Wasiirada sida degdegga ah ee ay u soo diyaariyeen talooyin wax ka tari kara amniga caasimadda.

Go’aamada ka soo baxay Golaha Wasiirada ayaa waxaa ka mid ah in ciidammada booliska iyo nabadsugidda ee heer gobol ay door weyn ku yeeshaan amniga magaalada Muqdisho, iyado hawshaasina ay kala shaqeyn doonaan maamulka gobolka Banaadir, degmooyinka, iyo bulshada.

Waxaa qodobada go’aamadaasi ku xusan ka mid ah xakameynta hubka lagu dhex wato maga alada.

Golaha Wasiirada ayaa iyaguna si dhow ula shaqeyn doona maamulka gobolka iyo degmooyin ka gobolka Banaadir, si loo xaqiijiyo amniga, loogana hortago shirqoolada iyo carqaladaha ay wad aan kooxaha nabadda ka soo horjeeda.

WASIIRADA ARRIMAHA GUDAHA CARABTA OO KA WADA HADLAYA ARRIMAHA AMAANKA EE DALALKOODA,

Shirka Wasiirada Arrimaha Gudaha ee dalalka Jaamacadda Carabta ayaa shalay oo shalay oo Arbaco ah ka furmay Magaalada Tunis ee dalka Tunisia, waxaana shirka furay Madaxweynaha dalka Tunisia.

Inta badan Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo taliyaasha Boliiska Jaamacadda Carabta ayaa shir kan ka wada qeybgalaya.

Sidoo shirka waxaa goobjoog ka ah Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Xoghayaha Guud Boliiska adduunka Interpol, Dhaxal Sugaha Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Naaíf, Ra’iisal was aare kuxigeenka Sacuudiga ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa iyo wafdi uu Hogaaminayo oo uu ka mid yahay Taliyaha Boliiska Soomaaliyed Gen Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa shirkan u metelaya Dowladda Soomaaliya.

Shirka waxaa looga hadlaya arrimaha amaanka, ka hortaga kooxaha Argigixisada, sidii dalalka carabta isaga kaashan lahaayan arrimaha fal dambiyeedyada qorsheysan oo beryahan dambe ku soo batay dalalka carabta iyo sidii iskaashi dhaw loogu yeelan lahaa falal kasta oo amaanka dalalka carabta wax u dhimaya. Shirka oo shalay furmay ayaa la filayaa in maalmaha soo socda laga soo saaro war loo wadan dhan yahay oo Wasiirada Arrimaha gudaha carabta ku mideysan yihiin.

SOOMAALIYA: 60,000 OO CARRUUR AH OO GEERI QARKA U SAARAN

Peter de Clercq, oo ah isu duwaha QM u qaabilsan arimaha gargaarka Soomaaliya ayaa she egay in ku dhawaad 60,000 oo carruur Soomaaliyeed ah ay qarka u saaran yihiin dhimasho.Mr. Pet er ayaa hadalkaa murugada leh sheegay asagoo ku sugnaa istuudiyowyaasha talefishinka ee QM ay ku leedahay New York.

Mr. Peter ayaa caddeeyay in carruurtaasi ay xaaladooda nololeed khatar kujirto ayna sababtu tahay gargaar la'aan. Daganaanshiyo la'aan siyaasadeed, abaaro soo noqnoqday iyo weliba daadad Soomaaliya ka dhacay ayuu yiri waxay horseedeen in qiyaastii 5 milyan oo qof oo kunool gudaha dalka Soomaaliya oo ladhihi karo way u dhigmaan kala bar dadka ku nool Soomaaliya ay u baahdaan cawimaad.

QM ayaa waxay sheegtay in loo baahan yahay ilaa 900 milyan oo doolarka Mareykanka ah oo arimaha samafalka loo doonayo. Ilaa iyo hada aduunkaa lacageed waxaa un laga hayaa labo boq olkiiba sida laga soo xigtay QM.

Peter de Clercq waa isu duwaha QM u qaabilsan arimaha gargaarka Soomaaliya fadhigiisuna waa caasimada Muqdisho.

KULANKA BAARLAMAANKA OO SHALAY SOO GABAGABOOBAY IYO MAANTA OO MAR KALE LOO BALAMAY SU’AALLO WEYDIIN

Kulanka Baarlamaanka ee shalay oo soo bilowday shalayy ayaa shalay oo maqribnimadani ah soo gaba gaboobay, kaasi oo ay hortageen Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soom aaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Max amed, Taliyaha Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Qaranka Ee NISA Gen C/raxmaan Tuuryare islamarkaana su’aallo lagu weydiinayay.

Kulanka baarlamaanka ee shalay ayaa ahaa mid xasaasi ah oo ka duwan kulamadii hore oo ay yeelan jireen golaha baarlamaanka, waxaana aad diirada loogu saarayay ammaanka dalka iyo qorshayaasha lagu horumarinayo xaqiijinta amniga.

Inkastoo Saxaafadda ay dibad joog ka eheyd kulankaasi oo waqti badan qaatay oo labada gelin ee shalay ay ku shirsanaayeen xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa xildhi baanadu waxa ay ahaayeen kuwa su’aalla la xiriira ajanadaha shalay ee amniga weydiinayeen Ra’isul Wasaaraha iyo Mas’uuliyiinta kale ee dhinaca ammaanka. Kulanka oo shalay soo gaba gaboobay ayaa waxaa lagu balamay maalinimada berito oo ah labada galin ay sii wadanayaan xil dhibaanada kulankooda su’aallo weydiinta ah.

CIIDANKA BADDA PUNTLAND OO QABTAY DOONYO KU JIRAY KALLUUMEYSI SHARCIDARRO AH

Ciidamada Badda Puntland oo hawgallo ka sameeyay inta u dhexeysa magaalooyinka Boosa aso iyo Qandal ayaa soo qabqabtay Shan doomood iyo shaqaalihii saaran oo si sharcidarro ah kallu umeysi sharcidarro ah kawaday Xeebaha Puntland.

Taliyaha ciidanka badda maamulka Puntland, Admiral C/risaaq Diiriye Faarax ayaa wuxuu war baahinta u sheegay in doonyahaan iyo shaqaalihii watayba ay ku Xadgudbeen sharciga kulluu maysiga Puntland, sidaas darteena la horkeeni doono sharciga.

"Wadarta doonyaha kalluumeysiga sharcidarrada ah waday ee aan soo qabanay waa Shan, waxay kaloo wateen doomo kale oo yaryar, waxay ku xadgudbeen sharciga kalluumeysiga Puntland, sidaa darteed waxaa lala tiigsanayaa sharciga,” ayuu yiri Adm. C/risaaq Diiriye.

Sidoo kale, Qaar ka mid ah shacabka deegaanka Qandala ayaa iyagana sheegaya in dadkani yihiin kulluumeysatadii deegaankooda, waxayna xarigga ay Puntland shalay u geysatay ku tilma ameen mid aan sharci ahayn.

Ma ahan markii ugu Horreysay oo Puntland ay doonyo ay sheegeen in Kalluumeysi Sharcid arro ah ay kusoo qabteen lana maxkamadeeyo, balse waa markii ugu horreysay oo doonyo tirade odu intaan le’eg tahay ay soo qabtaan.

Ugu dambeyntii, Dhawaan ayaa la filayaa shaqaalaha iyo Maamulka dooyahaan ee la Qabq abtay la horgeeyo maxkamadda Gobalka Bari, si lo xaqiijiyo dambiga lagu soo eedeeyay ee kalluum eysiga sharcidarrada ah.

LIIBAAN MADAXWEYNE IYO 15 CIIDAMADIISA KA TIRSAN OO GACANTA LAGU DHIGAY….

Wararka aan ka heleyno Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa ku soo war ramaya in Ciidamada maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlusunna Waljamaaca ay u suura gashay in ay gacanta ku dhigaan Sarkaalkii horkacayay Ciidamo maamulkaas uu xalay illaa shalay dagaal kula galeen Magaaladaasi Dhuusamareeb.

Sarkaalkaan oo lagu Magacaavo Liibaan Madaxweyne ayaa isaga iyo qaar ka mid ah Ciidam adiisa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada maamulka Gobollada dhexe kadib markii lagu go’doomi yay dhismo ku yaalla Magaalada Dhuusamareeb.

Liibaan Madaxweyne ayaa la qabtay isagoo dhaawac ah waxaana wararka iminka aynu ka hel eyno Magaalada Dhuusamareeb ay sheegayaan in dhaawaciisa loo qaaday Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

KOONFURTA SUDAN OO SHALAY SI RASMI AH UGU MID NOQOTAY XUBNAHA URURKA BARIGA AFRIKA EE EAC

Dalka Koonfurta Sudan ayaa shalay si rasmi ah loogu ogolaaday inay noqoto Waddanka lix aad ee Ururka ay ku bahoobeen dalalka Bariga Afrika ee EAC, kaddib Shirkii Shalay uga furmay Magaalada Caruusha ee Wadddanka Tanzania.

Go’aankaan, ayaa wuxuu kor u sii Qaadayaa Dhaqaalaha Suuqa Bulshada Bariga Afrika oo gaarsiinayo tirade shucuubta EAC ka faa'iideysanaya 162 Milyan oo Ruux; Sida lagu xusay Warbixin laga soo saaray Shirweynaha 17aad ee Xubnaha ku mideysan ururka EAC.

Ururka EAC ayaa wuxuu shacabka waddamada xubnaha ka ah u ogolaanayaa in dalkugal uu sii dalbado aan aan laga doonayn haddii uu doonayo inuu mid ka mid ah dalalkaan safar ku tago, sidoo kale waxaa ka dhexeeya heshiis ah in ganacsigu uu si canshuur la'aan ah uu isaga gubi karo dalalkooda. Waxaana ururkan horay xubno uga ahaa; Uganda, Tansaaniya, Kenya, Burundi iyo Rwanda, iyadoo Waddanka lixaad uu noqnayo dalka Koonfurta Sudan.

Sidoo kale, Warbixinta ayaa lagu xusay in dalka Koonfurta Sudan oo ay Colaado ka jiraan, la ga doonayo inuu buuxiyo dhammaan shuruudaha ka mid noqoshada EAC, kuwaas oo ay ka mid yihi in; inay ixtiraamto mabaa’dida Dimuquraadiyadda, ku dhaqanka sharciga, isla xisaabtan, hufnaan iyo cadaaladda bulshada.

Waxaa kaloo, Warbixinta laga soo saaray Shirka Caruusha lagu xusay in Waddan walba oo ururka ka mid ah looga baahan yahay inay ilaaliyaan qodobbo ay ka mid yihiin; Fursadaha shaqo oo loo sinnaado, sinnaanta jinsiga iyo sidoo kale in Xuquuqda Aadanaha uu dhowro, isagoo Waafaji naya Axdiga Midowga Afrika iyo kuwa kale ee Caalamiga ah.

CABDI QEYBDIID " WAAN IN LA JOOJIYAA DAGAALKA MAGAALADA DHUUSO MAREEB”..

Cabdi Xasan Cawaale qeybdiid oo ka mid ah Siyaasiyiinta gobolada dhexe ayaa waxa uu ka hadlay dagaalka ka dhacay xaafado ka tirsan magaalada Dhuuso mareeb ee Xarunta gobolka galg aduud.

Waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in mar kale lagu kor dagaalamo shacabka soomaal iyeed oo uu sheegay in ay horay dagaal ugu soo daaleen.Waxa uu sheegay in dagaalkaasi ka dhac ay magaalada Dhuuso mareeb uu salka ku hayo Siyaasada is diidan ee ka jira gobolada Dhexe.

Waxa uu tilmaamay in Siyaasadu ay ku wanaagsan tahay in la wada hadlo oo aan la is dag aalin.

Cabdi Xasan Cawaale qeybdiid ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Dhuuso mareeb in ay joojiyaan dagaalka oo ay u naxaan shacabkooda.

Habeen hore Saqdii dhexe ayay ahayd markii dagaal xoogan uu ka bilowday Xaafado ka tirsan magaalada Dhuuso mareeb ee arunta gobolka galgaduud

Dagaalka ayaa waxa uu u dhaxeeyay Ciidamo uu hogaaminayo nin lagu magacaabo Liibaan madaxweyne iyo Ciidamo ka tirsan Maamulka Ahlu Sunna.

XOOSH JIBRIIL " SHACABKA IYO MADAXDA DOWLADA XIRIIR KAMA DHAXEEYO”..

Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay aa sheegay in uusan jirin xiriir wanaagsan oo ka dhaxeeya Madaxda Dowlada Federaalka Soomaal iya iyo shacabka.

Waxa uu tilmaamay in fikrad qaldan ay shacabka ka aamineyn Madaxda Dowlada isla markaa na shacabka ay qabaan wal wal u aadan halka ay u socoto siyaasada soomaaliya. Waxa uu sheegay in safar dheer uu ku tagay magaalooyin ka mid ah soomaaliya sida Kismaayo, Beydhabo iyo deegaano ka tirsan Puntland, waxa uuna xusay in uu la soo kulmay shacabka aan ku farax saneyn madaxdooda.

Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa sidoo kale sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya loo gu baahan yahay iney fikradaasi qaldan ka saaraan shacabka soomaaliyeed.

Waxa uu tilmaamay in xaalada amni ee soomaaliya aysan wanaagsaneyn, loona baahan yah ay in laga wada shaqeeyo amniga dalka.

Hadalkaan ayuu Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil ka sheegay furitaanka kulankii Baarlama anka ee Shalay oo markii dambe Saxaafada banaanka loogu soo saaray.

MUWAADIN SOOMAALI OO LAGA SOO MASAAFURIN LAHAA MARAYKANKA OO CABASHO IYO DAGAAL KA MUUJIYEY TARXIILKIISA

Ciise C/raxmaan Maxamed oo Maraykanka ku xirnaa tan iyo bishii September ee sannadkii 2014-kii ayaa sheegay in lagu xadgudbay Xuquuqdiisa, isla markaana weli lagu sii hayo Xarig aan sharci ahayn.

Maxkamadda Sare ee Maraykanka ayaa sheegtay in Xiritaanka uu qaadan karo muddo 90 maalmood, iyadoo arrin xadka ka baxsan tahay xabsi 6 bilood tahay oo u baahan Xuquuq Gaar ah.

Ciise C/raxmaan Maxamed oo la qorsheynayey in la soo masaafuriyo Somalia bishii Janaayo 3-dii ee sannadkan, ayaa diiday inuu raaco Diyaarad duulimaadkeeda ahaa Ethiopia, kadibna Ken ya.

Waxa uu horey dhowr jeer Shaqaalaha Socdaalka ka diiday Masaafurintiisa, oo ay ugu dam beysay bishii December 30dii ee sannadkii hore, xilligaas oo ay Safaaradda Somalia ku leedahay Ke nya u soo samaysay Dukumenti Socdaal oo KMG oo muddo labo isbuuc ku ekaa.

Saraakiisha Socdaalka ee Maraykanka waxay sheegeen in Eedeysanahaasi la qorsheynayo in la soo masaafuriyo bisha May ee sannadkan, iyadoo lagu wargeliyey inay u tahay Fursad Furan oo uusan dayici karin. Dhinaca kale, Ciise C/raxmaan Maxamed waxa u diiwaan gashan Kiisas Maxkamadeed oo ay ku jirto Faldembiyeed kufsi ah, tan iyo markii uu Maraykanka qaxootinimo ku te gay sannadkii 1992kii.

CIIDDANKA KENYA OO LOO DIIDAY SALDHIG AY KAGA HORTAGAAN WEERARADDA ALSHABAAB.

Guddoomiyaha Gobalka Laamu, Ciisa Timaami ayaa ku gacan sayray qorshe ay Ciiddanka Ke nya ku doonayeen inay kaga dhistaan Saldhig lagu sugayo Ammaanka Gobalka Lamu iyo inay kaga hortagaan Weeraradda Alshabaab, gaar ahaan kuwa ku sugan Dhulka Kaymaha ee Boni.

Waxa uu sheegay inuusan oggolaan karin in dadka Deegaanka laga bara kiciyo goobta la qo rsheeyey in laga dhiso Saldhigga Milliteriga, iyadoo Saraakiisha Ciiddanka Kenya ka codsadeen dhul cabirkiisu dhan yahay 10 KM oo isku wareeg ah.

"Dhismaha Saldhigaasi waxay la micno tahay in Dadka Deegaanka laga barakaciyo guryaha ay isirka u leeyihiin” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobalka Laamu.

Go’aankiisa waxaa ka carooday Hoggaamiyayaasha Gobalka Laamu, oo uu ku jiro Senator Abu Jiyaaba oo ah Mudane ka tirsan Barlamaanka Kenya, lagana soo doortay Galbeedka Gobalka Laamu.

Senator Abu Jiyaaba oo la hadlay Wargeyska Daily Nation ayaa sheegay inuusan ku faraxs anayn go’aanka uu Guddoomiyaha Gobalka Laamu ku diiday Codsiga ka yimid Dowladda Dhexe ee Kenya oo uu tilmaamay inay hooyo u tahay dhamaan 47ka Gobal.

Waxa uu intaasi ku daray in loo baahan yahay in Ammaan ku filan loo helo gobalka Laamu, oo uu tilmaamay inuu yahay Gobal u nugul weeraradda Alshabaab, iyadoo weeraro hore lagu dilay dad badan, laguna dhaawacay tiro kale.

Bishii Janaayo ee sannadkan, Alshabaab waxay 6 Sarkaal oo ka tirsan Boliska Kenya ku dil een Laamu, kadib, markii qarax loo aasay gaariga ay la socdeen Saraakiishaasi, iyadoo ay kuwo kal ena ku dhaawacmeen.

GOODAX BARRE "MA JIRTO SAANSAAN AMMAAN OO LAGU GAARI KARO DOORASHADA AUGUST”

Xildhibaan C/laahi Goodax Barre oo ka tirsan, Baarlamaanka Somaliya ayaa sheegay inaysan muu qan saansaan amni oo lagu gaari karo doorashada la filaayo in Bisha August ee sanadkaan gudihi isa ay ka dhacdo gudaha dalka Somaliya.

C/laahi Goodax Barre, wuxuu sheegay inay muuqato fashil ammaan oo ka taagan Magaalada Muqdisho, islamarkaana taasi ay keenayso in Doorashada la filaayo inay dhacdo jawi nabdoon ina an lagu gaari karin.

Waxa uu ku taliyay si loo badbaadiyo dadka Somaliyed iyo dalka intaba in Doorashada Waqtig eeda laga soo hormariyo oo Afar Bilood la soo hormariyo, maadaama aysan hada muuqan marxalad amni oo lagu gaari karo August.

"Mudanayaal ma jirto saansaan ammaan oo lagu gaari karo bisha August, yaanan been isku sheegin, mana sugi karno August si uu isbedel uga dhasho dalkan nafba nama gaarsiineyso, waxaan soo jeedin lahaa, anagoon meelo soke ku laablaabanin, si waddanka loo badbaadiyo in doo rashadii madaxnimada waddanka lasoo hormariyo muddo afar bilood ah, taasna aan shalay u saa rno guddigii qaban qaabin lahaa docomentigii lagu howlgali lahaa iyo shuruucdii lagu diyaar garoobi lahaa, haddaan isleenahay waad carari kartaan, dadbadan oo aan carari Karin ayaa nagu jiifto, hawsho taliye la ciqaabo iyo wasiir loo yeero wey ka weynaatay”.

Xildhibaan C/laahi Goodax Barre, ayaa tilmaamay inay muuqato fashil, Siyaasadeed iyo mid amni oo haysata Dowladda Federalka Somaliya, taasi oo hada aysan muuqan isbedel looga gudbi kara.

"Waxaan jeclaan lahaa inaan ka dhawaajiyo arrin yar, waxaan na haysata fashil Siyaasadeed, waxaa muddo na haysata musuq maasuq baaxad dhaafay, hadda waxaa muuqata in amnigiina uu fashilmay” Ayuu yiri Xildhibaan Goodax Barre.

Hadalkaan ayuu Xildhibaanka ka sheegay kulankii daraad ay Muqdisho ku yeesheen xubnaha Baarlamaanka Somaliya ee looga hadlaayay ammaanka caasimada.

MAXKAMAD KU TAALLA BRITAIN OO DAMBI KU WAYDAY GANACSADAHA REER JABUUTI C/RAXMAAN BOORRE

Maxkamad ku taalla dalka UK oo shalay dhageysatay Dacwad u dhexeysay Xukuumadda Jab uuti iyo Ganacsadaha u dhashay Jabuuti, C/raxmaan Boorre, kaasoo horay u ahaa Madaxa Shirka dda Maamusha Dekedaha Waddanka Jabuuti.

Dhageysiga Dacwaddan, kaddib ayuu xaakimka Maxkamada ayaa ku dhawaaqay go’aankii ay ka gaareen Dacwaddii u dhexeysay C/raxmaan Boorre iyo Xukuumadda Jabuuti, Isagoo ku dhawa aqay in lagu waayay dambigii lagu soo eedeeyay Ganacsadaha iyo Shirkadihiisa.

Ganacsadahan reer Jabuuti ayaa dambiyadii lagu soo eedeeyay waxaa ka mid ahaa; Musuq maasuq, Lunsashada Hantida Qaranka Jabuuti, si uu arrimo isaga u gaar ah ugu adeegsado, Argag axisanimo iyo kuwo kale, kuwaasoo makamadu ay ku tilshalayy waxba kama jiraan.

Sidoo kale, Qareenkii dacwaddan ku metelayay dowladda Jabuuti ayaa markii shalay uu soo xaadiray makaxmadda wuxuu sheegay inaysan wax dood ah ka qabin go'aannada xaakimka max kamadda uu soo saaro, ayna aqbalayaan natiijo walba oo soo baxda.

"Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay xukunka shalay soo baxay, muddo siddeed sannadood ah ayay arrintan soo socotay, dhibaatooyin badan ayaana Shakhsiyan iga soo gaaray,” ayuu yiri Ganacsade Cabdiraxmaan Boorre oo u Warramayay BBCda, kaddib Xukunkii uu kaga guuleystay xukuumadda Jabuuti.

C/raxmaan Boorre ayaa Hadalkiisa raaciyay, inuu u mahadcelinayo dhamaan dadkii lasoo sha qeeyay iyo Maxkamadda Britain ee go’aankaan gaartay inay wax badan ka barteen sidii ay dacwa ddaan u soo wadday muddada sannadaha ah.

"Waxaan kaloo doonayaa in aan halkaan uga mahadceliyo ehelladayda oo iyaga laftooda ay dhibaato badan kasoo gaartay dacwaddan. Waxayna maxkamaddu u dhacday sidii aan filayay, waayo inaan hourmarka Jabuuti ka shaqeeyo mooyee ma jirin wax dhibaato ah oo aan dalkeyga iyo dadkeyga u geystay, arrimahaana waxaa caddeysay maxkamadda,” ayuu mar kale yiri Ganacsade Boorre.Su’aal ahayd; Maxaa xigi doona go’aanka maxkamadda, maadaama la sheegay in uusan ku lug lahayn eedihii loo haystay oo ay ka mid ahaayeen Musuqmaasuq iyo Argagaxisonimo, wuxuuna kaga jawaabay. "Wallaahi... waxay ku xiran tahay hadba sida ay go’aankan kasoo baxay maxkama dda ay u cabirto, Waxaana maleynayaa inay Xukuumadda Jabuuti mar kale wax dood ah ka keeni karin hantidayda oo Dunida oo dhan iiga xayiranayd.”

Ugu dambeyn, Go’aanka Maxkamadda Britain ay shalay soosaartay ayaa lagu xusay in la fasa xo dhammaan hantidii ganacsade C/raxmaan Boore uga xayirnayd caalamka. Waxaana dacwad daan intii ay socotay ku baxay lacag dhan 90Milyan oo Doollarka Mareykanka ah.

SOMALILAND: SALAADDIIN LOO XIRXIRAY DILKA TALIYIHII QAYBTA GOBOLKA SAAXIL OO LA TOOGTAY

Taliska ciidanka Booliiska ayaa sheegay inay ku dabajiraan kooxihii dilay Taliyihii Qaybta Gob olka Saaxil ee Somaliland, Col. C/risaaq Yuusuf Max'uud (Casayr) oo kooxo Hubeysan ay ku dileen daraad Deegaanka Biyoole oo Gobolka Saaxil ka tirsan.

Ciidamada Ammaanka Somaliland, ayaa Arrintan u xidhay Salaaddiin iyo Cuqaal Gobolka Saaxil ka soo jeeda, kuwaasoo laga xidhxidhay magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.

Afhayeenka ciidanka Booliska Gaashaanle dhexe Faysal xiis ayaa sheegay in dilka taliyaha qaybta Gobolka Sool ay ku baxeen taliyihii ciidanka iyo Ciidammo uu Hoggaaminayo, isla markaana ay gacanta ku soo dhigayaan dableydii ka dambeysay.

"Taliyaha qaybta Col. Casar oo ku gudda jira hawlgal shaqo ayaa koox burcad ah dhexda u ga shay kuwaasoo ku dilay Deegaanka Biyoole ee Gobolka Saaxil, Waxayna sidoo kalena u geysteen dhaawacay askarigii ilaalinayey, waxaana taliyaha ku wehelinayey Badhasaab ku xigeenka Gobolka Saaxil, Arrintaasna waxaa ku baxay Taliyihii Cidamada Fadal IImaan & ciidan uu hogaaminayo”ayuu yidhi afhayeenka ciidanka Booliska Faysal Xiis.

Dilkaan ayaa lagu Xidhiidhinayaa khilaaf ka dhashay dekad laga dhisayo deegaanka Ceel Garde ee Bariga magaalada Berbera oo ay hore Koox hubaysani u weerareen, haseyeeshee He shiis qodobbo ah oo laga soo saaray Shir ay wada yeesheen Madaxdhaqameedka laba Beelood oo arrintu u dhaxaysay iyo dawladda oo goobjoog ka ahayd, heshiiskaasoo qodob ka mid ahi dhigayey in la joojiyo guud ahaanba dhismaha dekedaas, balse wararku waxay sheegayaan in dib loo billa abay.

Ugu dambeyn, Dekaddan la doonayo in laga dhiso Ceelgarde ayaa Dadka Deegaanku isku haystaan, iyagoo qaarna doonayaan inay dhistaan qaar kalena ka soo hor jeedaan taas oo ka dhal isay muran baryahan ka taagtaa gobolka Saaxil.

BOGGA CIYAARAHA..

XIRIIRKA UEFA OO DHAMAAN KOOBABKII YURUB KA GANAAXAY KOOXDA KUBADDA CAGTA EE 

GALATASARAY, OGOW MAXAY TAHAY SABABTU.?

Xiriirka kubada cagta qaarada yurub ee UEFA ayaa Ganaaxay Kooxda kubada Cagta Galatas aray Kooxdaas oo dhamaan laga ganaaxay Koobabka laga dheelo qaarada yurub.

Afhayeen u hadalay xiriirka kubada Cagta yurub ayaa sheegay in dhamaan koobabka yurub la ga joojiyey kooxda Galatasaray mudo hal Sano ah.Gala

Haddaba kooxdan ayaa lagu eedeeyey in ay bixin kari wayday, Lacagtii looga baahnaa ee ay sanadkii UEFA ka qaado kooxaha qaarada yurub.

Si kastaba kooxda Galatasaray ayaa shalay laga joojiyay, in ay ciyaarto dhamaan koobabka Europa League iyo Champions League, kadib markii Xiriirka yurub Shalay soo Saareen Ganaaxa lasaaray Kooxdaas.

CHELSEA UU U DHAW SAXIIXA MIRALEM PJANIC.

Kooxda reer England ee Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay sarre u qaaday xiisaheeda ciyaaryahanka khadka dhexe Roma Miralem Pjanic.

Taasi waa sida laga soo xigtay The Times, oo ku andacooday in agaasimaha Chelsea uu wa da xaajoodka hogaanka uu u hayo,

Blues ayaa la sheegay inay la soo wareegayaan 25sano jirkaan oo lala xiriirinayay Stamford Bridgeinuu usoo raacayo Antonio Conte, oo bedeli ddoono Guus Hiddink.

Xiddiga caalamiga ah ee Bosnia ayaa la filayaa inuu inuu heshiis £ 60,000isbuuciiba ah uu yim aado Bules, Chelsea ayana bixin doonta £ 31 milyan oo ah lacagta lagu burburin karo qandaraaskii sa Roma.

Pjanic ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku heysta kooxda ka dhisan Serie A xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay 11 gool.

United Oo Qarash Waalan Ula Diyaar Ah Weeraryahan Jooga Italy

Manchester United ayaa diyaar u ah in ay €80 million (£62.1m) ay kula soo wareegaan weerar yahanka Napoli Gonzalo Higuain, sida uu daabacay Corriere dello Sport.

28-sanojirkan ayaa ah bartilmaameedka koowaad ee Jose Mourinho, waxaana ninkan reer Por tuguese kal horeba lasii xaqiijiyay in uu shaqadda Manchester ka badali doono macallin Louis van Gaal oo ka taagayaa Old Trafford.

Higuain ayaaa la shaaciyay in lagu fasixi doono €94.5m (£73.4m) balse United ayaa xidigaasi muhiim u aragta in ay lasoo wareegto.

Paris SaintGermain iyo Chelsea ayaa sidoo kale doonaya in xiddiga reer Argentine ay helaan, Higuain ayaa dhaliyay 25 gool oo Serie Ada ah xagaagan.

NEYMAR OO KALA DOORTAY MESSI & RONALDO, MESSI & PELE, MAN CITY & REAL MADRID IYO WAXYAABO KALE WAREYSI XIISO LEH OO LALA YEESHAY.

Neymar ayaan ka labalabeynin jawaabtiisa markii la weydiiyay xiddiga adduunka ugu fiican. Sida la qiyaasi karayna waxa uu doortay saaxiibkiisa kooxda Barcelona Lionel Messi, inkastoo uu dii day inuu kala doortyo xiddiga reer Argentina iyo halyeeyga reer Brazil Pele.

"Anigoo ixtiraamaya cagta midig ee Cristiano, waa inaan doorto cagta bidix ee Messi. Laakiin aniga xitaa cagteyda midig ma xuma.” ayuu ku jawaabay xiddiga Barcelona Neymar mar uu wareysi siinayay joornaalistaha UOL Mauro Beting.

24 jirkaan ayayse ku adkaatay inuu kala doorto Messi iyo Pele, si uu uga fogaado inuusan ka careysiinin dalkiisa reer Brazil ayuu isku dayay inuu jawaab dhexdhexaad ah bixiyo: "Nasiibdarro ma aanan arki Pele oo ciyaaraya. Markii aan soo korayay awowgeey iyo aabaheey ayaa iiga sheekeyn jiray sida uu u fiicnaa. Waa su’aal aad u adag sababtoo ah waxaan kaliya arkay Messi oo ciyaaraya. Labadoodaba waa hanadlayaal.”

Iyadoo laga bedelay mowduuca laga hadlayay waxaa la weydiiyay inuu kala doorto Real Mad rid iyo Manchester City oo ah labo kooxood oo si joogta ah loola xiriiriyo. "Waxaan jeclaan lahaa ina an arko Real Madrid oo badineysa marka loo eego Man City.”

Xiddiga Brazil inkastoo uu sheegay inuu ku faraxsan yahay nolosha Catalunya hadana waxa uu sheegay inuusan marnaba xeebta Santos ku bedelan laheyn tan Barcelona. "Xeebaha Santos ay aan dooran lahaa shaki la’aan. Inaan asxaabteyda kula ciyaaro kulan shan ciyaaryahan ah.”

Xiddiga South America ka soo jeeda ayaa durbaba ku guuleystay Copa Libertadores iyo Cham pions League. Isagoo dhadhamiyay guulaha labada koob hadana waxa uu doortay kan Yurub. "Co pa Libertadores waa xamaasad badan yahay laakiin Champions League… markii ugu horeysay ee aan maqlay astaanta koobka waxa ay ii aheyd dareen gaar ah. Waa sida inaad ciyaar gacmeed ku dhex jirto; waa riyada canug walba. Waana sababta aan u dooranayo Champions League.”

OGEYSIIS OGEYSIIS OGEYSIIS

OGEYSIIS MUHIIM AH OO AY KUU HEYSO HEY’ADDA

UNICEF

INVITATION TO BID (ITB)

LITBS-2016 9123516                                                                                                                             17 February,2016

 

UNITED NATIONS CHILDREN'S FUND (UNICEF)

Wishes to Purchase:

Construction of Classrooms under Educate-a-Child (EAC) Project for {UNICEF-

Somali,South Central,Somalia

[SEALED] offers should be sent to physically submitted at

The UNICEF Office in Mogadishu, South Central,Somalia

LITBS-2016 9123516

Attention:Gerard Magbilty (Supply and Logistics Speciailst CSZ)

Please call Office No. +252 201215181 Ext 893 or Mobile no. +252 615549867 to arrange

security clearance and access to the UNICEF compound.

Or

UNICEF Somalia Support Centre

P.O.BOX 44145.00100.Nairobi.Kenya

LITBS-2016 9123516

Attention: Giorgio Figus (Procurement Specialist)

Please coll +254 207628497 to arrange security clearance and access to the UN compound

IMPORTANT- ESSENTIAL INFORMATION

the reference LITBS- 2016 9123516 must be shown on the envelope containing the offer.

Bid form and schedule (s) must be used when replying to this invitation. you are welcome to enclose

your own [specifications / terms of references] etc. if necessary.

offers must be received by latest 14:00 pm on 22 March, 2016 and will be publicly opened at 14:30

pm on 22 March, 2016 at both the two addresses indicated above. Bids received after the stipulated

date and time will be invalidated.

It is important that you read all of the provisions of the bid, to ensure that you understand

UNICEF’s requirements and can submit an offer in compllance with them. Note that failure to

provide compllant offers may result in invalidation of your bid.

PLEASE PICK UP THE COMPLETE SET OF BIDDING DOUMENTS FROM THE OFFICES INDICATED ABOVE

(GIORGIO FIGUS)

(To be contact for additional invormation, NOT FOR SENDING OFFERS

E-mail:gfigus@unicef.org Telephone: +254 719 192 945

NB: This Invitation to Bid covers the construction of new or rehabilitation of existing schools in Central South, Somalia.

There are a total of twenty (20) locations in this construction bid. These locations have been divided into four (4) separate and distinct LOTS spread across three regions in Central South, Somalia. Each lot contains a number of schools.

Bidders can select and bid on as many of the four LOTS as they have the capacity and resources to manage. Bidders should note that only complete submissions for a single LOTS will be considered. Bids for partial LOTS will be disqualified outright.

LOT 1 - BELET WEYNE

LOT 2 - MARKA

LOT 3 – WARSHEIKH

LOT 4 - JOWHAR

 

 

 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip