Soomaaliya: 60,000 oo Carruur ah oo Geeri Qarka u Saaran

0
Wednesday March 02, 2016 - 19:25:55 in Wararka by
  • Visits: 718
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya: 60,000 oo Carruur ah oo Geeri Qarka u Saaran

    Peter de Clercq, oo ah isu duwaha QM u qaabilsan arimaha gargaarka Soomaaliya ayaa sheegay in ku dhawaad 60,000 oo carruur Soomaaliyeed ah ay qarka u saaran yihiin dhimasho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Peter de Clercq, oo ah isu duwaha QM u qaabilsan arimaha gargaarka Soomaaliya ayaa sheegay in ku dhawaad 60,000 oo carruur Soomaaliyeed ah ay qarka u saaran yihiin dhimasho.
Mr. Peter ayaa hadalkaa murugada leh sheegay asagoo ku sugnaa istuudiyowyaasha talefishinka ee QM ay ku leedahay New York.

Mr. Peter ayaa caddeeyay in carruurtaasi ay xaaladooda nololeed khatar kujirto ayna sababtu tahay gargaar la'aan. Daganaanshiyo la'aan siyaasadeed, abaaro soo noqnoqday iyo weliba daadad Soomaaliya ka dhacay ayuu yiri waxay horseedeen in qiyaastii 5 milyan oo qof oo kunool gudaha dalka Soomaaliya oo ladhihi karo way u dhigmaan kala bar dadka ku nool Soomaaliya ay u baahdaan cawimaad.

QM ayaa waxay sheegtay in loo baahan yahay ilaa 900 milyan oo doolarka Mareykanka ah oo arimaha samafalka loo doonayo. Ilaa iyo hada aduunkaa lacageed waxaa un laga hayaa labo boqolkiiba sida laga soo xigtay QM.

Peter de Clercqwaa isu duwaha QM u qaabilsan arimaha gargaarka Soomaaliya fadhigiisuna waa caasimada Muqdisho.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip