Somaliland : Guddida heer qaran ee ka hor tagga Xanuunka Corona Virus oo go'aammo soo saaray

0
Tuesday March 17, 2020 - 22:32:15 in Wararka by
  • Visits: 207
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland : Guddida heer qaran ee ka hor tagga Xanuunka Corona Virus oo go'aammo soo saaray

    Guddida heer qaran ee u diyaar garow iyo ka hor taga xanuunka Corona Virus ayaa soo saaray amaro la farayo dadka, waxaana la joojiyey duulimaadyadii ka iman jirey dalalka uu ku badan yahay cudurkan iyo isku imaantanidii bulshada. Sidoo kale, waxa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddida heer qaran ee u diyaar garow iyo ka hor taga xanuunka Corona Virus ayaa soo saaray amaro la farayo dadka, waxaana la joojiyey duulimaadyadii ka iman jirey dalalka uu ku badan yahay cudurkan iyo isku imaantanidii bulshada. Sidoo kale, waxa la fasaxay dhamaan goobihii waxbarashada muddo afar toddobaad, halka masaajidadda la soo koobay wakhtigii salaadda lana xidhy suuliyadii masaajidka iyo goobihi lagu waysaysan jirey. Go'aamada ay guddidani soo saartay waxay u qornayd sidan: "Guddida heer qaran ee u diyaar garowga iyo ka hor tagga xanuunka corona virus iyagoo taxgalinaya xaalada halista ah ee ka so korodhay Aduunka ee sababi karo xanuunka corona virus. 1. Xarumaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay waxa adeegsan doona wasaarada caafimaadka markay u baahato. 2. Goobaha waxbarashada waxa la fasaxay afar todobaad. 3. Masaajidada waxa lagu amray imaamyada in aanay salaada ka badin 25 daqiiiqo lana xidho suuliyada iyo goobaha lagu waysaysto oo dadkuna ka soo waysaystaan guryahooda. 4. Isu imaatinada bulshada, waxa la joojiyey dhamaan shirarkii, casuumadihii , xafladlihii, aroosayda , mafrashadii muddo afart odobaad ah in aan la isku iman. 5. Socdaalada iyo duulimaadyada, waxa la joojiyey duulimadyada iyo rakaabka ka imanaya dalalka xaaladoodu khatarta yahay sida china, Itali, iiraan, faransiis, South korea, kiinya iyo Somalia, laga bilaabo maalinta bari ee taariikhdu tahay 19 march, 2020. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip