Xoogaga Shabaab oo xalay weerar ku qaaday Xerada Maslax oo ciidanka Amisom degan yihiin

0
Sunday February 28, 2016 - 09:57:45 in Wararka by
  • Visits: 649
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoogaga Shabaab oo xalay weerar ku qaaday Xerada Maslax oo ciidanka Amisom degan yihiin

    Xoogag ka tirsan Ururka Al Shabaab, ayaa xalay fiidkii weerar ku qaaday Fariisinka ciidanka Amisom ay ku leeyihiin Xerada Maslax ee duleedka dhanka Waqooyi ee Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogag ka tirsan Ururka Al Shabaab, ayaa xalay fiidkii weerar ku qaaday Fariisinka ciidanka Amisom ay ku leeyihiin Xerada Maslax ee duleedka dhanka Waqooyi ee Magaalada Muqdisho.

Weerarkaan ayaa dhacay, markii Shabaabka ay la eegteen Difaaca ciidanka Amisom qoriga loo yaqaan Sabanka, waxaana intaasi kadib xigay rasaas toos ah oo labada dhinac ay isweydaarsanayeen.

Dadka ku nool Xaafada Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa, ayaa sheegaya inay si aad ah u maqlayeen daryanka qoryaha culus ee ciidamada Amisom ay ridayeen, taasi oo argagax ku abuurtay Bulshada deegaanka.

Muddo 45 Daqiiqo ah, ayaa la sheegay in dagaalka uu socday, inkastoo aanan la ogaan karin Khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi inta uu la eeg yahay.

Markii uu dagaalka istaagay kadib xitaa waxaa la maqlaayay Qori culus oo ciidamada Amisom ay ridayeen, mar marka qaarna waxaa la maqlaayay Madaafiic ciidamada Amisom ay ridayeen, sida dadka deegaanka ay Warbaahinta gudaha u xaqiijiyeen.

Al Shabaab ayaa Baraha ay ku qoraan wararka waxa ay ku faafiyeen in ciidamadooda Madaafiicda Garbaha laga gano ay ku garaaceen Difaacyada ciidanka Amisom ay ku leeyihiin Xerada Maslax.

Shabaabka ayaa kordhiyay culeyska ay ku hayaan Magaalada Muqdisho ee dhanka amnidarada, iyadoo habeen hore weerar qaraxyo iyo dagaal toos ah Shabaabka ay ku qaadeen Hotelka SYL oo ku dhaw Madaxtooyada Somaliya.


xigasho:-dhacdo.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip