Hoggaamiyaha AhluSunna Macalin Maxamuud oo ka ambabaxay magaalada Dhuusamareeb

0
Sunday March 01, 2020 - 18:31:03 in Wararka by
  • Visits: 417
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hoggaamiyaha AhluSunna Macalin Maxamuud oo ka ambabaxay magaalada Dhuusamareeb

    Hoggaamiyaha guud ee Ururka Ahlu Sunna Macalin Maxamuud Xasan Faarax ayaa aka dhoofay saaka magaalada Dhuusamareeb isagoo ku sii jeeda magaalada Garowe ee xarunta dowlad goboleedka Punland. Macalin Maxamuud ayaa kamid ah madax ka tirsan ururka Ahl

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha guud ee Ururka Ahlu Sunna Macalin Maxamuud Xasan Faarax ayaa aka dhoofay saaka magaalada Dhuusamareeb isagoo ku sii jeeda magaalada Garowe ee xarunta dowlad goboleedka Punland. Macalin Maxamuud ayaa kamid ah madax ka tirsan ururka Ahlu Sunna oo isu dhiibay ciidamada dowlada kadib dagaal ay ciidamada Ahlu Sunna la galeen ciidamada dowlada. Ka bixitaanka magaalada Dhuusamareeb ee Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa ka dambeysay kadib markii uu xalay la kulmay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye.

Macalin Maxamuud ayaa warar soo baxayay shalay ay sheegeen inuu codsaday inuu gaaro magaalada Garowe halkaasoo uu ugaga sii gudbi doono magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Waxaa soo baxayay xalay warar sheegayay in Madaxda ugu sareysa dowlada federalka ay dooneysay in Muqdisho la geeyo hogaamiyaha Ahlu Suna iyo weliba qaar kamid ah madaxda ururkaas.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip