
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA AXAD 28KA FEBARAAYO 2016KA
Madaxweynaha oo magaalada Djibouti u jooga shirka waddamada ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya ku gorfeynayaan xaaladda amniga iyo hawlgallada AMISOM, ayaa sheegay in Al Shabaab ujeedkeeda uu cad yahay, ayna doonayaan inay shacabka xasuuqaan, barakiciyaan, isla markaana ay nabadda horjoogsadaan.
"Kooxdan argagixisada ah ee diinta ku gambanaya waxay markii ay jab ba’an la kulmeen waxay doonayaan inay shacabka taageero kaga raadsadaan, si khasab iyo argagixin leh. Wixii shaley ay sameeyeen ee ay shacab waddooyinka iska marayey ku laayeen waxay caddeyn u tahay in Al Shabaab ay ku faanto daadinta dhiigga shacabka masaakiinta ee nabadda u ooman. kooxda UGUS waa inay ogaataa in laamaha amniga ay har iyo habeen u soo jeedaan sidii ay kooxaha argagixsada dalka uga sifeyn lahaayeen’’.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoysaskii iyo ehaladii ay ka baxeen shuhaddadii ka tirsaneyd shacabka iyo ciidammada amniga ee ku naf waayey weerarka fuleynimada ah ee Al Shabaab, isagoo kuwa ku dhaawacmeyna Ilaahay uga baryey inuu degdeg caafimaad buuxa u siiyo.
Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa ammaan u jeediyay ciidammada amniga sidii geesinimada lahayd ee ay ugu baabac dhigeen cadowga shacabka iyo diinta ee Al Shabaab.
R/WASAARE CUMAR OO CAMBAAREEYEY QARAXII HABEEN HORE KA DHACAY TAALADDA SYL.
MUQDISHO, FEBRUARY
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa cambiareeyey Qaraxii Argagixiso ee habeen hore ka dhacay Taalada SYL. Wuxuuna tacsi u diray ehelada iyo qaraabada dadkii ku dhintay weerarka, wuxuuna ALLAH uga baryey in uu caafimaad deg deg ah siiyo dadka ku dhaawacmay.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay weerarkaas mid ka baxsan dhaqanka Islaamka isla markaana ay nabaddiidku ku doonayeen in xasuuq ay ugu geystaan dadka rayidka ah kuwooda ugu nugul ee u soo dalxiis taga Beerta Nabadda (Peace garden), halkaas oo ay ku nastaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed waqtiyada ay jaaniska leeyihiin. Falkaasi argagixiso oo loo adeegsaday baabuur kuwa xamuulka ah oo isku dayay inuu ka gudbo bar koontarool ciidamada ku sugnaayeen.
"Falalka noocaan ah waa kuwo lagu argagax galinayo shacabka, laguna hor istaagayo daganaanshaha iyo hourmarka dalka. Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaynaa iney meel uga soo wada jeestaan bahalnimada aragagaxisada. Daadinta dhiiga dad aan waxba galabsan, maahan ficil raad ku leh anshaxa diinta islaamka, waana fal cadownimo, oo lala beegsanayo shacabkeena, waana dhaqan aan la aqbali karin.”ayuu yiri R/Wasaare Cumar.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay dhiiranaanta ay muujiyeen ciidanka ammaanka ee ka hortagay in qaraxaasi gaaro bartii cadowgu la damacsanaa. Wuxuna ugu baaqay Hay’adaha amniga iney muujiyaan feejignaan dheeraad ah, baaritaana ku sameeyaan dhacdadaas.
SYRIA OO HABEEN HORE SI RASMI AH UGA DHAQAN GASHAY XABBAD JOOJIN
Dalka Syria, waxaa si rasmi ah habeen hore uga dhaqangalay xabad joojinta u dhaxeysa Mucaaradka iyo Dowladda dalkaasi, kadib markii Qaramada Midoobay dadaal badan ay ku bixisay sidii xabadjoojintaasi ay u dhaqangeli laheyd.
Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobeey u qaabilsan Suuriya, Staffan De Mistura waxa uu sheegay in seddax daqiiqo kaddib xilligii dhaqan galka xabad joojinta, waxaa lagu soo waramay in Darca iyo Dimishiq ay isu badaleen dhul xasilloon.
Magaalooyinkii dagaalada ay ka socdeen waayahan habeen hore waxaa la soo wariyay inaysan wax xabad ah ka dhicin, taasi oo ka dhigan dhaqangalka Heshiiska Xabadjoojinta.
Safiirka Suuriya ee Qaramada Midoobeey, Bashar alJa’afari waxa uu golaha amniga u sheegay in dowladda ay xaq u leedahay inay ka jawaabto gardaro kastaa oo oga timaada wax uu ku sheegay "argagixisada”.
Mucaaradka Syria ugu weyn, waxa ay sheegeen iyaga iyo kooxo kale inay isla garteen inay u hogaansamaan dhaqangalka Heshiiska Xabadjoojinta.
Iyadoo la gaaray xilliga dhaqan galka xabad joojinta, diyaaradaha dagaalka ee Ruushka waxa ay sii wadeen duqeynta ka dhanka ah mucaaradka.
Ciidamada dowladana waxa ay sheegeen inay dhul horleh qabsadeen, gaar ahaan deegaano ka tirsan Xalab.
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO ARDAY SOOMAALIYEED KULA KULMEY
MAGAALADA BURSA EE DALKA TURKIGA
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la yeeshay ardayda Soomaalida ee wax ka barta magaalada Bursa ee waqooyiga galbeed ee dalka Turkiga.
Waxaa uu Madaxweynaha ardaydaasi ka xog wareystey xaaladooda nololeed iyo tan waxbarasho, isagoo ku boorriyay inay xoogga saaraan barashada xirfadaha kala duwan ee muhiimka ah.
"Waxaad halkan ku joogtaan magaca Soomaaliya. Waxaad wax u baraneysaan waa waddankiina. Marka aad waxbarashada dhammeysataan dalkiina ayaa idin baahan. Dalkeena waxaa uu leeyahay sidaad ogtihiinba kheyraad badan, waana lagama maarmaan inaad barataan culuunta noocyadeeda kala duwan, si aan kkheyraadkaasi uga faa’iideysano’’, ayuu yiri Madaxweynaha.
Ardeyda Soomaalida ee wax ka barata magaalada Bursa ayaa qaarkood ku jira waxbarashada dugsiga sare, iyagoo rajeynaya inay sannadkan dhammeystaan.
Mas’uuliyiinta Jaamacadda Uludag ee magaalada Bursa, ayaa booqashada Madaxweynaha ee magaalada iyo xarunta Jaamacadda awgeed waxay ku dhawaaqeen inay deeq waxbarasho oo jaamacadeed siinayaan ardeyda Soomaalida ee waxbarashada dugsiga sare sannadkan ku dhammeysanaya magaalada.
Jaamacadda Uludag waxaa wax ka barta in ka badan 62 kun oo arday oo ka kala socota ilaa iyo 124 dal.
ASKARTII HABEEN HORE NAFTOODA U HURAY DIFAACA SHACABKA OO AAS QARAN LOO SAMEEYAY…
Askartii habeen hore ku dhimatay weerarkii maleeshiyada AlShabaab ay ka geysteen Muqdisho ayaa shalay loo sameeyay aas Qaran oo ay ka qeyb galeen Xildhibaanno iyo saraakiil ka tirsan ciidanka amniga.
Taliye kuxigeenka hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Kornayl Xaamud iyo taliyaha qeybta booliska ee gobolka Banaadir Jeneraal Cali Xirsi Barre ayaa si wada jira h u tilmaamay in ciidanka shalay aaska loo sameeyay ay ahaayeen kuwii naftooda u huray inay shacabka ka difaacaan dhagarta ay maleegayeen AlShabaab, waxaana ay Alle uga baryeen in uu Janada ka waraabiyo.
Xaamud iyo Cali Gaab ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyan ciidamada, si looga hortago dhagarta ay maleegayaan AlShabaab.
KENYA OO LACAG DUL DHIGTAY MADAXYADA RAG SHABAAB KA TIRSAN
Dowladda Kenya, ayaa waxa ay lacag dul dhigtay Madaxyada rag ka tirsan Ururka Al Shabaab, kuwaasi oo Kenya ay sheegtay inay ka dambeeyeen weeraro ka dhacay Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.
Afarta ruux oo Kenya ay sheegtay inay Shabaab ka tirsan yihiin ayaa la dul dhigay lacag gaaraysa 8million oo shilinka Kenya, iyadoo lacagtaan la siinaayo cidii keenta macluumaadka ku saabsan Afartaan nin.
Kenya waxa ay sheegtay Afartaan ruux inay yihiin kuwa halistooda leh, balse shacabka loo balan qaaday in lacagtaan la siin doono cidii keenta macluumaad la xiriira raggaasi.
Afarta qof ayaa lagu kala magacaaba Abdullahi Issak, Idriss Issack, Ahmed Uweys iyo Mohamed Shide kuwaas oo sida Kenya ay sheegtay ka dambeeyay weerarkii sanadkii 2014kii bishh December lagu dilay 36 shaqaalaha Magaalada Mandheera.
Kenya ma aysan sheegin afartaan ruux halka ay kaga sugan yihiin dalkaasi Kenya, balse waxa ay sheegtay in meelo ka mid ah gudaha Kenya ay joogaan.
Dagaalyahano badan oo ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa ku sugan gudaha dalka Kenya, gaar ahaan dhulka Keymaha Boni oo Kenya ay geli la’dahay.
Weerarada ugu badan ee Shabaabka ay fuliyaan ayaa waxaa laga geystaa Gobolka Waqooyi Bari Kenya.
MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO LA KULMAY DHIGIISA DALKA JABUUTI
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa shalay madaxtooyada Jabuuti kula kulmay Madaxweynaha Dalkaasi Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.
Labada Madaxweyne ayaa kulankooda uga wada hadlay arrimo ay midtahay xoojinta xirirka walaaltinimo ee ka dhexeysa labada dowladood iyo sidii ay dowladda Jabuuti ay u sii xoojin lahayd taageerada ay siineyso Soomaaliya, gaar ahaan dhanka ammaanka.
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa sidoo kale kulankooda diiradda ku saaray shirka maanta ka furamay Jabuuti ee ay isugu imaanayaan Madaxweyneyaasha ciidamadooda ka jooga Soomaaliya, kaasi oo diiradda lagu saarayo arrimaha ammaanka ee dalka iyo sidii ay u xoojin lahaayeen howlgallada lagula dagaallamayo maleeshiyaadka AlShabaab.
URUR AY KU MIDEYSAN YIHIIN DHAQAATIIRTA INDHAHA OO LOOGA DHAWAAQAY MUQDISHO
Urur ay ku mideysan yihiin Dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee qaabilsan Indhaha ayaa loogadhawaaqay magaalada Muqdisho, waxaana munaasabad daraad dhacday lagu doortay Guddoomiye, Kuxigeen iyo Xoghaye, kuwaasoo hogaan u noqon doona Ururkan.
Munaasabada doorashada ayaa u dhacday qaab gacan taag ah, waxaana xilka Guddoomiyaha Ururka Dhaqaatiirta Indhaha Soomaaliyeed loo doortay Dr, C/samad Xasan Haye, halka kuxigeen looga dhigay Dr. Maxamed Axmed Maxamuud (Dr Shiine), waxaana Xoghayaha joogtada Ururka loo doortay Dr Xalaal.
Waxaa munaasabadan lagu aas aasay ururka dhaqaatiirta Indhaha Soomaaliyeed ka soo qeyb galay Mas’uuliyiin ka socotay Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Dr Cali Baashi Cumar Rooraaye oo horay u ololeyn jiray in la sameeyo Urur ay ku mideysan yihiin Dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee Indhaha qaabilsan, ayaa xusay in wixii hada ka dambeeya Ururkan uu bulshada u qaban doono adeegyada caafimaad ee ay u baahan yihiin, gaar ahaa dadka indhaha ka xanuunsanaya.
Dr C/samad Xassan haye oo ah gudoomiyaha ururka Dhakhaatiirta Indhaha Soomaaliyeed ayaa sheegay in ujeedada aas aaska ururka dhakhaatiirta Indhaha Soomaaliyeed in la wajaho dhibka ay ku heyso indha la’aanta iyo arag yarida Soomaaliya oo la ogyahay xitaa gobolada dalka inaaney jirin caafimaad qaab sax ah oo dhanka indhaha dadka ka xanuunsanaaya, isagoo sidoo kale sheegay iney ku guuleysteen sanidihii la soo dhaafay wada shaqeyn ka dhaxeysay iyaga iyo dadkii ay la shaqeynaayeen,
Waxaa uu ballan qaaday inay sameyn doono mudada uu xilka haayo siminaaro kor loogu qaadaayo xirfadlayaasha Soomaaliyeed ee ka shaqeeya dhanka indhaha, si ay u noqdaan dad takhasus wanaagsan u leh waxa ay sameynayaan, isagoo hadalkiisa sii raaciyay inay beegsan doonaan dhamaan meelaha indha la’aanta laga soo sheegaayo.
Ugu dambeyn gudoomiye ku xigeenka ururka dhakhaatiirta soomaaliyeed Dr Maxamed Axmed Maxamuud (Dr Shiine) ayaa tilmaamay in dadka indha la’aanta ee ku sugan Soomaaliya ay gaarayaan 140,000 oo qof, waxaana sanad waliba ku soo biira in ka badan 14,000 oo qof oo cusub, isagoo intaa ku sii daray in dadaalada hadda la wado aysan dabooli karin baahida caafimaad qab ee ka jirta dadka indhaha ka xanuunsanaya.
WASIIRRO, XILDHIBAANNO IYO WAXGARAD SHALAY GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE .
Magaalada Beledweyne ayaa Shalay si weyn loogu soo dhaweeyay wafdi ka kooban labada golle ee dowladda Soomaaliya iyo Salaadiin kasoo jeeda Gobolka Hiiraan.
Wafdigan oo uu hoggaaminayay Wasiirka Khaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Somalia, Maxamed Cumar Ceymooy, ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Magaalada Beledweyne ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan maamulka heer gobol degmo iyo qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka.
Wafdigaan, ayaa markiiba ku booday Hoteelka uu ka degen yahay magaalada Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo khadar kooban uu dhaxmarray waddahadal u badnaa is Xogwareysi iyo Xaaladda guud dalka, gaar ahaan tan Gobolka Hiiraan.
Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo hadal kooban ka jeediyay Kulanka ayaa sheegay in Muddo 23sanno ah ay Somalia ka jireen colaado wajiyo kala duwan leh oo ka dhashay caddaaladdarradii muddo dheer soo jirtay oo sida uu hadalka u dhigay Ugaaska, walina taagan.
Sidoo kale, Wasiirka kheyraadka badda iyo Kaluumeysiga XFS, Ceymooy oo sheegay inuu socdaalkoodu salka ku hayo sidii wadatashi ay la yeellanayaan Bulshada ku nool Gobolka, ayaa dhinaca kale Sheegay in Marnaba Bulshada ku nool Gobolka, aysan kasoo Horjeedin qorshaha dhismaha Maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, laakiin ay diidan yihiin habka iyo diiraqa loo marayo dhismaha maamulka.
Ugu dambeyn, Xubnaha wafdiga ka tirsan labada gole ee dowladda federaalka Somalia iyo Salaadiinta socdaalkooda ku wehlinayay ayaa qeyb ka noqonaya tirado wafuud ah oo horay ugu sii sugneyd Magaalada, kuwaasoo Dhamaantood marka la eego ka arrisanaya qorshaha lagu dhisayo maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo ay saluug weyn ay ka muujiyeen Beelaha Gobolka Hiiraan.
WARAR KU SOO KORDHAY QARAXYADII CUSLAA EE HABEEN HORE GILGILAY MAGAALADA MUQDISHO
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxyadii cuslaa ee habeen hore ruxay magaalada Muqdisho, kaasoo ahaa kuwo laga malqay duleedyada magaalada, waxaana khasaaraha ka dhashay qaraxyadaas uu yahay mid aad u ballaaran.
Qaraxa hore oo ahaa gaari xamuul ah laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa ku qarxay bar koontarool ciidamada Nabadsugida ku lahaayeen agagaarka Taalada SYL
Bartilmaameedka qaraxan ayaa ahaa Hotelka SYL ee dacalka ku haya Taalada SYL, balse ciidamada ku sugnaa goobta ayaa gaariga joojiyay, balse isku dayay inuu xoog ku gudbo, iyadoo uu isla goobta ku qarxay.
Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in Ciidamada Nabadsugida ka hortageen weerarka, isla markaana gaarigii qaraxa laga soo buuxiyay ay u diideen inuu gudbo, isla markaana uu goobta ku qarxay.
"Abaarihii 8:45, gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ciidamada ay joojiyeen bar koontarool ay leeyihiin, waxaa uu isku qarxiyay agagaarka Hotelka, oo ay rabeen inay gidaarka jebiyaan, kadib ayaa afar nin kale oo baabuur wadatay oo damacsanaa inay hotelka galaan ayay ciidamada goobta ku toogteen”ayuu yiri Wasiir Maareeye.
Sidoo kale Wasiirka ayaa xusay in weerarkaas illaa iyo hada sideed ruux ay ku dhinteen, balse khasaaraha intaas ka badan karo, waxaana uu tilmaamay in shan ka mid ah ay ahaayeen Ciidamadii Nabadsugida ee gaariga joojiyay.
Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud Xuseen Wehliye Cirfo oo ku sugnaa xilliga qaraxa dhacayay Hotelka SYL, gaar ahaan Masaajid ay salaadii cishaha ku dukadeen ayuu tilmaamay in aanay jirin dabley gudaha u soo gashay hotelka, isla markaana ilaalada ay ka hortageen kooxo isku dayay oo lagu toogtay banaanka hotelka.
Khasaaraha ugu badan ayuu ka soo gaaray baabuur wadada marayay iyo dad ka ag dhowaa goobta, waxaana dhimashada ay caga cageyneysaa illaa 15 ruux, halka dhaawacuna ku dhow yahay 30ruux.
Laamaha ammaanka dowladda ayaa sheegaya in qaraxan habeen hore uu ahaa kii ugu xooganaa ee ka dhaca magaalada Muqdisho, isla markaana gaariga qaraxa geystay uu siday mid kiilaad badan oo waxyaabaha qarxa ahaa.
Halka Qaraxa ka dhacay ayaa waxaa ka muuqday bur bur aad u xoogan, dhismayaal ku yaalay wadooyinka ayaa soo dumay, sidoo kale wadada laamiga ayuu god weyn ka qoday qaraxa, marka loo eego tanka uu ahaa.
Qaraxa ayaa dumiyay dhismayaal dhowr ah ka ag dhowaa Hotelka
Dad badan ayaa laga soo saaray gidaaro ku soo dumay hoostiis, waxaana ku jiray haween qaad iibiya iyo haweenka nadaafada ka shaqeeya.
Sidoo kale saameynta qaraxa ayaa waxay gaartay goobo ka fog fog halkii uu ka dhacay, iyadoo dhismayaal qaar iyo muraayado ay dumeen.
Qaraxyada ayaa saameyn ku yeeshay Beerta Nabadda oo ah goob loo dalxiis tago, iyadoo gaari ku hor qarxay agagaarka Beerta uu sababay bur bur soo gaaray gidaarka beertaas.
AlShabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkan, isla markaana bartilmaameedka ahaa Hotelka SYL, waxaana weerarkan uu yahay kii labaad ee Hotelka la beegsadaan.
WASIIRADA ARRIMAHA DIBADDA IYO DIFAA CA EE CIIDAMADOODA KA JOOGA SOOMAALIYA OO SHIR YEESHAY
Wasiirada Arrimaha dibadda ee dalalka ka jooga ciidamadooda Soomaaliya ayaa shalay shir uga furmay dalka Jabuuti, kaasi oo looga hadlayo xoojinta la dagaallanka argagixisada ah.
Kulanka oo uu shir guddoominayo Wasiira Arrimaha dibadda ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha ammaan ee Soomaaliya iyo sidii wadamada uga qeyb qaadan lahaayeen dar dargelinta dagaalada lagula jiro argagixisada AlShabaab.
Wasiirka ayaa si wada jir ah u cambaareeyay qaraxii habeen hore ka dhacay Muqdisho, kaasi oo ay ku dhinteen dad u badan shacab iyo ciidankii naftooda u huray inay cadowga ka difaacan dhagarta AlShabaab, waxaana ay ka tacsiyadeen dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay.
Dhanka kale Wasiirada Difaaca ee Wadamada ay ciidamada ka soo joogaan Soomaaliya ayaa shir ku leh dalka Jabuuti, kaasi oo uu shir guddoominayo Wasiirka Gaashaandhigga ee Jabuuti, waxaana uu qeyb ka yahay shirarka looga hadlayo arrimaha ammaanka ee Soomaaliya.
Wasiirka difaaca ee dalka Nigeria ayaa tilmaamay in dhankooda ay Soomaaliya u soo dirayaan ciidamado hor leh oo qeyb ka noqdo howlgalka AMISOM ee lagula dagaalamayo AlShabaab, si dib loo soo celiyo guud ahaan ammaanka Soomaaliya.
WASIIRRO, XILDHIBAANNO IYO WAXGARAD SHALAY GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE .
Magaalada Beledweyne ayaa Shalay si weyn loogu soo dhaweeyay wafdi ka kooban labada golle ee dowladda Soomaaliya iyo Salaadiin kasoo jeeda Gobolka Hiiraan.
Wafdigan oo uu hoggaaminayay Wasiirka Khaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Somalia, Maxamed Cumar Ceymooy, ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Magaalada Beledweyne ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan maamulka heer gobol degmo iyo qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka.
Wafdigaan, ayaa markiiba ku booday Hoteelka uu ka degen yahay magaalada Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo khadar kooban uu dhaxmarray waddahadal u badnaa is Xogwareysi iyo Xaaladda guud dalka, gaar ahaan tan Gobolka Hiiraan.
Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo hadal kooban ka jeediyay Kulanka ayaa sheegay in Muddo 23sanno ah ay Somalia ka jireen colaado wajiyo kala duwan leh oo ka dhashay caddaaladdarradii muddo dheer soo jirtay oo sida uu hadalka u dhigay Ugaaska, walina taagan.
Sidoo kale, Wasiirka kheyraadka badda iyo Kaluumeysiga XFS, Ceymooy oo sheegay inuu socdaalkoodu salka ku hayo sidii wadatashi ay la yeellanayaan Bulshada ku nool Gobolka, ayaa dhinaca kale Sheegay in Marnaba Bulshada ku nool Gobolka, aysan kasoo Horjeedin qorshaha dhismaha Maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, laakiin ay diidan yihiin habka iyo diiraqa loo marayo dhismaha maamulka.
Ugu dambeyn, Xubnaha wafdiga ka tirsan labada gole ee dowladda federaalka Somalia iyo Salaadiinta socdaalkooda ku wehlinayay ayaa qeyb ka noqonaya tirado wafuud ah oo horay ugu sii sugneyd Magaalada, kuwaasoo Dhamaantood marka la eego ka arrisanaya qorshaha lagu dhisayo maamulka iiraan iyo Sh/Dhexe oo ay saluug weyn ay ka muujiyeen Beelaha Gobolka Hiiraan.
WASAARADDA WARFAAFINTA OO SOO DHAWEYSAY DADAALKA GUDDIGA
XAL RAADIN TA EE SUXUFIYIINTA


0 
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA AXAD 28KA FEBARAAYO 2016KA
MADAXWEYNAHA OO CAMBAAREEYAY QARAXYADII HABEEN HORE GIL GILAY MAGAALADA MUQDISHO Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya aaney marnaba hakin doonin dagaalka ay kula jirto kooxda caadeysat