Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Djibouti oo ka wadahadley xaaladda gobolka iyo xiriirka labada dal

0
Sunday February 28, 2016 - 09:15:39 in Wararka by
  • Visits: 806
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Djibouti oo ka wadahadley xaaladda gobolka iyo xiriirka labada dal

    Djibouti: 27 February 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah magaalada Djibouti kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Djibouti: 27 February 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah magaalada Djibouti kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyn ayaa kulankooda kaga wadahadley xaaladda amniga gobolka, la dagaalanka argagixisada, iskaashiga labada dal iyo xoojinta iskaashiga ciidammada Soomaaliya iyo kuwa Nabad Ilaainta Midowga Afrika ee AMISOM.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhiggiisa Djibouti, Mudane Geelle uga mahad celiyay doorka Djibouti ay ku leedahay xasilinta iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Madaxweyne Geelle ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso, dalkiisuna uu mar walba garab taagan yahay walaalahooda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa magaalada Djibouti uga qeybgalaya Shir Madaxeed ay isugu imaanayaan dalalka ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya ee hoos yimaada hawlgalka AMISOM.

——- DHAMMAAD———-

IMG 0339
IMG 0327
IMG 0322

1px

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip