Daawo Sawirada: Dad badan oo ku dhintay weerarkii SYL Hotel Ee Magaalada Muqdisho

0
Saturday February 27, 2016 - 20:07:24 in Wararka by
  • Visits: 941
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirada: Dad badan oo ku dhintay weerarkii SYL Hotel Ee Magaalada Muqdisho

    Ugu yaraan waxaa la xaqiijiyay in 15 qof ku dhimatay weerarkii bahalnimada ahaa ee xalay lagu qaaday SYL Hotel, halka in ka badan 40 kalana ay ku dhaawacantay. Hotelku wuxuu ku dhowyahay Madaxtooyada Somaliya (Villa Somalia).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan waxaa la xaqiijiyay in 15 qof ku dhimatay weerarkii bahalnimada ahaa ee xalay lagu qaaday SYL Hotel, halka in ka badan 40 kalana ay ku dhaawacantay. Hotelku wuxuu ku dhowyahay Madaxtooyada Somaliya (Villa Somalia).

Weerarkan oo loo adeegsaday laba gaari oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay, ayaa sababay dhimashada 15-ka qof oo afar ka mid ah ay yihiin askar ka tirsan Ciidanka Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka. Askartu waxay isku dhigtay gaarigii hore oo dhaliyay daryan aad u wayn. Qaraxan wuxuu ahaa midkii ugu xooganaa ee sanadkan laga maqlo Caasimadda.

Dhacdada murugada leh, ayaa waxay tahay wiil iyo gabar wada saarnaa gaari nooca raaxada ah, oo si xun ugu dhintay qaraxii 1-aad, markii iyagoo barbar socda gaarigaasi uu markeliya qarxay. Xilligi uu qarxaayay waxay Nabad Suggidu ku amartay in wadihii gaarigaasi uu joojiyo, balse intuu ka dhego adeegay ayuu isku qarxiyay.

Laba ka mid ah Hooyooyinka Nadaafadda Gobolka Banaadir ka shaqeeya, ayaa ka midka noqday dadka badan ee ku dhintay qaraxaasi. Hooyooyinku waxay xilligaa ku hawlanaayeen ka shaqaynta nadaafadda wadooyinka.

Agaasimaha Waaxda Nadaafadda Gobolka Banaadir, C/casiis Goodax Barre, ayaa maanta xaqiijiyay geerida ku timid hooyooyinkaasi, iyagoo ka shaqaynaayay bilicda Caasimadda Somaliya.

Isbitaalka Madiina waxaa la geeyay 33 qof oo qaarkood dhaawacyo culus qaba, inkastoo saddex ka mid ihi ay u dhinteen dhaawacyadii ay qabeen. Sidoo kale Isbitaalka Daaru Shifaa waxaa la dhigay 15 ruux oo qaarkood xaaladoodu laga deyrinaayo.

Sidii caadada ahaydba Dowladda Somaliya waxay si xoogan u cambaareysay weerarka wuxuushnimada ah, ee mintidiintu Shabaabku ay ku qaadeen aagga Hotelka SYL. Dowladdu waxay weerarkan ku sheegtay mid argagaxiso.

Ururka Al Shabaab oo hujuum xoogan ku haaya Magaalada Muqdisho, ayaa bishiiba mar ka gaysta weerar argagax iyo anfariirba ku reeba shacabka Somaliyeed.

Weerarkii ugu dambeeyay ee Shabaabku ka gaystaan Caasimadda, ayaa ahaa midkii kan ka horeeyay, ee ay 21-kii bishii hore ee January ku qaadeen Xeebta Liido, ayna ku laayeen dad aanu waxba galabsan.

SYLSYL-SYL1

A fireman walks past houses destroyed in a suicide car bomb on a nearby hotel in Mogadishu, Somalia, Friday, Feb, 26, 2016. A suicide bomber rammed his car into a hotel's entrance in Mogadishu and blew it up, allowing Al-Shabab gunmen to force their way into the hotel, exchanging fire with hotel guards and leaving 14 dead before government security forces ended the attack, including four gunmen and the suicide bomber. (AP Photo/Farah Abdi Warsameh)

SYL2-SYL3

SYL4SYL5SYL6SYL7SYL8



qaraxyadi cuslaa (1)qaraxyadi cuslaa (2)qaraxyadi cuslaa (3)qaraxyadi cuslaa (4)qaraxyadi cuslaa (5)qaraxyadi cuslaa (6)qaraxyadi cuslaa (7)qaraxyadi cuslaa (8)qaraxyadi cuslaa (9)qaraxyadi cuslaa (10)qaraxyadi cuslaa (11)





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip