Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa dalka Jabuuti

0
Saturday February 27, 2016 - 20:04:11 in Wararka by
  • Visits: 775
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa dalka Jabuuti

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta madaxtooyada Jabuuti kula kulmay Madaxweynaha Dalkaasi Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta madaxtooyada Jabuuti kula kulmay Madaxweynaha Dalkaasi Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyne ayaa kulankooda uga wada hadlay arrimo ay midtahay xoojinta xirirka walaaltinimo ee ka dhexeysa labada dowladood iyo sidii ay dowladda Jabuuti ay u sii xoojin lahayd taageerada ay siineyso Soomaaliya, gaar ahaan dhanka ammaanka.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa sidoo kale kulankooda diiradda ku saaray shirka beri ka furamay Jabuuti ee ay isugu imaanayaan Madaxweyneyaasha ciidamadooda ka jooga Soomaaliya, kaasi oo diiradda lagu saarayo arrimaha ammaanka ee dalka iyo sidii ay u xoojin lahaayeen howlgallada lagula dagaallamayo maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip