Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo arday Soomaaliyeed kula kulmey magaalada Bursa ee dalka Turkiga

0
Saturday February 27, 2016 - 18:48:58 in Wararka by
  • Visits: 666
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo arday Soomaaliyeed kula kulmey magaalada Bursa ee dalka Turkiga

    Bursa, 26 February, 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la yeeshay ardayda Soomaalida ee wax ka barta magaalada Bursa ee waqooyiga galbeed ee dalka Turkiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bursa, 26 February, 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la yeeshay ardayda Soomaalida ee wax ka barta magaalada Bursa ee waqooyiga galbeed ee dalka Turkiga.

Waxaa uu Madaxweynaha ardaydaasi ka xog wareystey xaaladooda nololeed iyo tan waxbarasho, isagoo ku boorriyay inay xoogga saaraan barashada xirfadaha kala duwan ee muhiimka ah.

"Waxaad halkan ku joogtaan magaca Soomaaliya. Waxaad wax u baraneysaan waa waddankiina. Marka aad waxbarashada dhammeysataan dalkiina ayaa idin baahan. Dalkeena waxaa uu leeyahay sidaad ogtihiinba kheyraad badan, waana lagama maarmaan inaad barataan culuunta noocyadeeda kala duwan, si aan kkheyraadkaasi uga faa’iideysano’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Ardeyda Soomaalida ee wax ka barata magaalada Bursa ayaa qaarkood ku jira waxbarashada dugsiga sare, iyagoo rajeynaya inay sannadkan dhammeystaan.

Mas’uuliyiinta Jaamacadda Uludag ee magaalada Bursa, ayaa booqashada Madaxweynaha ee magaalada iyo xarunta Jaamacadda awgeed waxay ku dhawaaqeen inay deeq waxbarasho oo jaamacadeed siinayaan ardeyda Soomaalida ee waxbarashada dugsiga sare sannadkan ku dhammeysanaya magaalada.

Jaamacadda Uludag waxaa wax ka barta in ka badan 62 kun oo arday oo ka kala socota ilaa iyo 124 dal.

——————DHAMMAAD——————-

IB0A9959
IB0A9965
IB0A9968
IB0A9948
IB0A9927

1px

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip