R/Wasaare Cumar oo Cambaareeyey Qaraxii Xalay ka dhacay Taaladda SYL.

0
Saturday February 27, 2016 - 18:40:32 in Wararka by
  • Visits: 723
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    R/Wasaare Cumar oo Cambaareeyey Qaraxii Xalay ka dhacay Taaladda SYL.

    Muqdisho, February 27, 2016……Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa cambaareeyey Qaraxii Argagixiso ee xalay ka dhacay Taalada SYL. Wuxuuna tacsi u diray ehelada iyo qaraaba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho, February 27, 2016……Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa cambaareeyey Qaraxii Argagixiso ee xalay ka dhacay Taalada SYL. Wuxuuna tacsi u diray ehelada iyo qaraabada dadkii ku dhintay weerarka, wuxuuna ALLAH uga baryey in uu caafimaad deg deg ah siiyo dadka ku dhaawacmay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay weerarkaas mid ka baxsan dhaqanka Islaamka isla markaana ay nabad-diidku ku doonayeen in xasuuq ay ugu geystaan dadka rayidka ah kuwooda ugu nugul ee u soo dalxiis taga Beerta Nabadda (Peace garden), halkaas oo ay ku nastaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed waqtiyada ay jaaniska leeyihiin. Falkaasi argagixiso oo loo adeegsaday baabuur kuwa xamuulka ah oo isku dayay inuu ka gudbo bar koontarool ciidamada ku sugnaayeen.

"Falalka noocaan ah waa kuwo lagu argagax galinayo shacabka, laguna hor istaagayo daganaanshaha iyo horumarka dalka. Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaynaa iney meel uga soo wada jeestaan bahalnimada aragagaxisada. Daadinta dhiiga dad aan waxba galabsan, maahan ficil raad ku leh anshaxa diinta islaamka, waana fal cadownimo, oo lala beegsanayo shacabkeena, waana dhaqan aan la aqbali karin.”ayuu yiri R/Wasaare Cumar.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay dhiiranaanta ay muujiyeen ciidanka ammaanka ee ka hortagay in qaraxaasi gaaro bartii cadowgu la damacsanaa. Wuxuna ugu baaqay Hay’adaha amniga iney muujiyaan feejignaan dheeraad ah, baaritaana ku sameeyaan dhacdadaas.

-----DHAMMAAD---




 
1px


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip