Leicester City Oo La Garaacay, Danny Ings Oo Hadiyad Siiyay Kooxdiisa Hore Ee Liverpool & Natiijooyinka Kulamadii Kale Ee Maanta

0
Saturday January 11, 2020 - 21:06:41 in Wararka by
  • Visits: 1034
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Leicester City Oo La Garaacay, Danny Ings Oo Hadiyad Siiyay Kooxdiisa Hore Ee Liverpool & Natiijooyinka Kulamadii Kale Ee Maanta

    Liverpool ayaa 16 dhibcood oo nadiif ah ku qaban karta hogaanka horyaalka Premier League caawa haddii ay ka badiyeen kooxda Tottenham oo ay marti u yihiin ka dib guuldarro soo gaartay kooxda kaalinta labaad ee Leicester City. Xiddigii hore ee Liverp

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Liverpool ayaa 16 dhibcood oo nadiif ah ku qaban karta hogaanka horyaalka Premier League caawa haddii ay ka badiyeen kooxda Tottenham oo ay marti u yihiin ka dib guuldarro soo gaartay kooxda kaalinta labaad ee Leicester City. Xiddigii hore ee Liverpool Danny Ings oo haatan u dheela Southampton ayaa xaqiijiyay in kooxdiisa Saints ay 2-1 ku garaacdo Leicester City oo marti loogu ahaa garoonka King Power Stadium. Leicester ayaa hogaanka ku hormartay daqiiqadii 14aad markii uu gool u saxiixay Dennis Praet laakiin shan daqiiqo ka dib waxaa Southampton u barbareeyay Stuart Armstrong. Danny Ings oo hore ugu soo ciyaaray Liverpool ayaa goolka guusha u saxiixay Southampton daqiiqadii 81aad isagoo fursad u siiyay kooxdiisa hore inay 16 dhibcood oo nadiif ah ku qaban karaan hogaanka horyaalka Premier League haddii ay ka gudbaan Tottenham caawa. Reds waxaa u sii harsan kulan taasoo la micno ah inay suurtogal tahay inay 19 dhibcood ku hogaamiyaan horyaalka haddii ay badiyaan kulanka caawa iyo kan u baaqday. Manchester City ayaa iyadana fursad u heli doonta inay ku soo laabato kaalinta labaad ee horyaalka madaama ay haatan hal dhibic ka hooseeyaan Leicester City iyagoo berri la ciyaaraya Aston Villa.

Natiijooyinka kulamada kale ee horyaalka Premier League:

Crystal Palace 1-1 Arsenal

Chelsea 3-0 Burnley

 

Everton 1-0 Brighton

Leicester City 1-2 Southampton

Man United 4-0 Norwich City

Wolves 1-1 Newcastle





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip