Waa Kuma Laacibka Manchester United Ka Tirsan Ee Fadhiga Ka Kiciyey Jurgen Klopp?

0
Saturday January 04, 2020 - 18:56:32 in Wararka by
  • Visits: 750
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Kuma Laacibka Manchester United Ka Tirsan Ee Fadhiga Ka Kiciyey Jurgen Klopp?

    Dhawaan ayay ahayd markii ay kooxaha Liverpool iyo Sheffield United ciyaari ku dhex martay gegida Anfield kulankaas oo ay Reds kusoo ceshadeen hoggaankoodii 13-ka dhibcood ahaa oo ay 2-0 kaga guuleysteen Blades. Mid kamida dhacdooyinka kulankaas a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhawaan ayay ahayd markii ay kooxaha Liverpool iyo Sheffield United ciyaari ku dhex martay gegida Anfield kulankaas oo ay Reds kusoo ceshadeen hoggaankoodii 13-ka dhibcood ahaa oo ay 2-0 kaga guuleysteen Blades. Mid kamida dhacdooyinka kulankaas ayaa ahaa in goolhayaha qaabka amaahda ah kaga maqan Manchester United ee Dean Henderson uu markale bandhig weyn dunida kaga yaabsaday goolal cadna ka badbaadiyay Liverpool.

Badbaadinta hadal haynta badan keentay ayaa ahayd mid uu Henderson ka badbaadiyay kubad halis ahayd Mohamed Salah isaga oo dhinaca sarre u saaray kubadda.

Kaddib badbaadintaas, Kaamerada ayaa qabatay tababaraha Liverpool ee Klopp oo u sacabinaya Henderson waxaana ciyaarta kaddib dareenkooda barta Twitter-ka kusoo bandhigay taageerayaasha kooxdaas oo amaanay xiddiga amaahda uga maqan Red Devils.

"Ala maxay badbaadin tahay, Dean Henderson” Ayuu taageere Liverpool ah oo Twitter kusoo gala magaca Norman Avoosson ugu horreynba yidhi.

Lukas Zombie Slayer ayaa isaguna yidhi "Wakhti xaadirkan waxaan Dean Henderson ku qiimeeyaa inuu ka wanaagsan yahay De Gea”.

 

"Badbaadinta ugu fiican xilli ciyaareedkani waa mida Henderson uu ka sameeyay Salah” Ayuu yidhi taageere kale oo ku magacaaban ROS123.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip