Waa Kuma Xiddiga Chelsea Ka Tirsan Ee Raheem Sterling Ku Sifeeyay MidkaUu Ku Daydo?

0
Wednesday November 13, 2019 - 19:23:27 in Wararka by
  • Visits: 1020
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Kuma Xiddiga Chelsea Ka Tirsan Ee Raheem Sterling Ku Sifeeyay MidkaUu Ku Daydo?

    Da'yarka kooxda Chelsea ee Callum Hudson-Odoi ayaa garabka Manchester City ee Raheem Sterling ku sifeeyay xiddig uu ku daydo isagoo dhinaca kale shaaca ka qaaday inuu shaqsi muhiim ah ka yahay xulka England. Sterling ayaa dhawaan laga saaray li

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Da'yarka kooxda Chelsea ee Callum Hudson-Odoi ayaa garabka Manchester City ee Raheem Sterling ku sifeeyay xiddig uu ku daydo isagoo dhinaca kale shaaca ka qaaday inuu shaqsi muhiim ah ka yahay xulka England. Sterling ayaa dhawaan laga saaray liiska xulka England ee kulanka isreeb-reebka Euro 2020 la yeelan doona dhigooda Montenegro kaddib markii ay isku dhaceen daafaca Liverpool ee Joe Gomez.

Sterling iyo Gomez ayaa isku dhacay intii uu socday kulankii ay dhawaan Liverpool 3-1 kaga guuleysatay Manchester City iyadoo isku dhacaasi uu tababare Gareth Southgate ku dhiiri-geliyay inuu liiska xulkiisa ka saaro.

Hudson-Odoi oo haatan difaacaya Sterling kaddib dhacdadaas ayaa ka sheekeeyay sida uu u yahay ciyaartoy shaqsiyad wanaagsan leh iyo sidii uu ugu soo dhaweeyay xulka qaranka saddexda libaax.

CHO ayaa yidhi "Raheem waa nin aad u wanaagsan, Mid aad u dhiiri-gelin badan, Waa mid aad ugu niyad wanaagsan waxkasta oo uu qabto”

"Markii ugu horreysay ee aan yimid maan rajaynayn inuu sidaas u wanaagsanaan doono, Dabcan isagu waa qof wanaagsan laakiin markaad aragto qof markasta kusoo dhawaynaya, Adiga kaliya kula hadlaya, Ku siinaya talo ah sida uu u ciyaaro oo adiga in badan kugu dhaw waxay ku dareensiinaysaa inaad aad ugu dhwd dahay kooxda”.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip