Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa sheegay in howl galkan uu ahaa mid qorsheysan, isla markaana dadka lagu soo qabtay la kala saaray.
"Howl galkan waxaa uu ahaa mid qorsheysan, dadkii lagu soo qabtay waa la kala saaray, 26 ruux ayay ku cadaatay inay Shabaab ka tirsan yihiin, waana qirteen”ayuu yiri Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir.
Sidoo kale waxaa uu xusay in howl galkan dhabarka looga jebiyay kooxo uu sheegay inay weeraro abaabulayeen, isla markaana dadka la qabtay ay ahaayeen kuwo muhiim ah.
Howl galkan ayaa ahaa kii ugu ballaarnaa noociisa ee muddooyinkan ka dhaca degmooyinka deriska ah ee Yaaqshiid iyo Huriwaa.



0 



Ciidamada Nabadsugida oo howlgal dad badan lagu qabtay ka sameeyay Yaaqshiid iyo Huriwaa
Ciidamada Nabadsugida ayaa howl gallo ballaaran shalay gelinkii dambe illaa xalay ka sameeyay xaafado ka tirsan degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa. Howl galkan ayaa waxaa lagu qabtay dad lagu qiyaasay saddex boqol oo ruux, kuwaasoo u badnaa dhaliny