Ciidamada Galmudug oo ku guulaystay inay soo furtaan Kenyaan oo Afduub ahaan loo haystay.
Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya ee ka howlgala Galmudug ayaa soo furtay Nin Ajanabi ah oo Koox Hubeysan ay Afduub ugu haysteen Koofurta Gobolka Mudug.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada ay Howlgal Qorsheysan ku soo furteen Ninkaan oo la sheegay inuu u dhashay Dalka Kenya, waxaana sidoo kale la soo qabtay qaar ka mid ah dadkii afduubkaasi ka dambeeyay.
Ciidamada ayaa sheegay in Kooxdii Afduubka u haysatay Ninkaas Kenyanka ah ay la baxsadeen Haweeney lala haystay islamarkaana ay Ciidamadu ku daba joogaan.
Dhanka kale Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya ee ka howlgala Degaanada Maamulka Galmudug ayaa horay sidaan oo kale u soo furtay Dad Ajanabi ah oo Koox Burcad Badeed Soomaali ah ay Afduub u haysteen.
XIGASHO:-SOMALIWEYN.COM

0 