Ururka Al Shabaab oo wada qorshe uu culeys ku saaraayo Degmada Hobyo

0
Monday September 28, 2015 - 10:06:34 in Wararka by
  • Visits: 721
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Al Shabaab oo wada qorshe uu culeys ku saaraayo Degmada Hobyo

    Ururka Al Shabaab, ayaa waxa uu bilaabay qorshe uu culeys ku saarayo Degmada Hobyo Ee Gobolka Mudug, xilli Degmadaasi uu si buuxdo kaga arrimiyo Maamulka Galmudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Al Shabaab, ayaa waxa uu bilaabay qorshe uu culeys ku saarayo Degmada Hobyo Ee Gobolka Mudug, xilli Degmadaasi uu si buuxdo kaga arrimiyo Maamulka Galmudug. Xoogag Ururka Al Shabaab ka tirsan oo ka soo ruqaansaday Degmada Xarardheere, ayaa soo degay Deegaanada Jowle iyo Dabagalo, waxaana la soo sheegaya in ay ku sii jeedaan wadada xiriirisa Degmooyinka Hobyo & Cadaado.

Reer Hobyo, ayaa walaac ka muujinaya in Xoogaga Shabaab ay jaraan xiriirka Cadaado iyo Hobyo, iyagoona kaga gol leh mid ay culeys ku saarayan Maamulka Galmudug.

Dadka ku dhaqan halka kala qaybisa Hobyo iyo Cadaado, ayaa waxay wadaan abaabul ay kaga hortaggayan in Shabaabku uu xaalad go’doomin ah geliyo Degmadaasi Hobyo.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Galmudug, Maxamuud Aadan Cismaan, ayaa sheegay inaysan wax wada hadalo ah la galeynin Ururka Al Shabaab, isla-markaana ay awood kaga maquunin doonaan Gobolada Dhexe.

Maamulka C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa u muuqda in xilligan uu culeys kaga imanayo Shabaabka hubeysan, ee ka dagaalamaya Gobolada Koonfurta & Bartamaha Soomaaliya

xigasho:-dhacdo.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip