DUNI LAGU CADAABANYAHAY!! (Ra'yi)

0
Saturday February 13, 2016 - 10:15:27 in Maqaallo by
  • Visits: 1080
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DUNI LAGU CADAABANYAHAY!! (Ra'yi)

    Waxaa dadkaygii Soomaaliyeed ku batay dhibaatooyin nooc kasta leh oo aad wada garanaysaan, waxaana suuragal ah in dadka qaarkii ay ku mashquulaan yuu yahay iyagoo aan qiimayn waxa aan aaminsanahay ee islaanimada ama Soomaalinimada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa dadkaygii Soomaaliyeed ku batay dhibaatooyin nooc kasta leh oo aad wada garanaysaan, waxaana suuragal ah in dadka qaarkii ay ku mashquulaan yuu yahay iyagoo aan qiimayn waxa aan aaminsanahay ee islaanimada ama Soomaalinimada.

Waxaan filayaa in aan loo baahnayn in aan kusii fogaado sharaxaada oo aad wada garanaysaan ama waad dareemaysaan waxa aan ka hadlayo.

Aan usoo noqdo dulucdee, waxaa muuqata in jahawareer lixaad leh iyo midnimo la’aan ay nagu habsatay oo aan ka doorbidnay dawladnimadii in aan la noolaano fawdo.

Waxaan noqonnay umad isu rogtay qabaa’il, jufooyin iyo jiifooyin is qanciyay iyagoon waxba isla hayn oo la daalaa-dhacaya nolosha isla markaana iyagu uun isu muuqada, una arka in duni , islaam iyo nolol kale aanay jirin ama aanayba ka warhayn.

Waxaan sheeganaynaa Islaam afka ah iyo magac Soomaaliyeed oo aan qabyaaladda ka doorannay.

Waxaan kala tabanaynaa wax aan jirin, waxaana ku sheekaysannaa wax aan sal iyo raad toona lahayn.

Waxaan isweydiiyaa waxa aan dunida u joogno maxay tahay haddii nolosha iyo qarannimada aanaan fahamsanayn oo dhimasho oo kaliya aan sugayno?

Waxaa muhiim ah in aad ogaato in waqtigu kooban yahay oo sanado kooban aad noolaanayso sida kuwii kaa horeeyay ay u dhinteen ayaadna u dhimanaysaa.

Tolow miyaan ku soo khaldannay dunidan horay u socota mise suubiskeedii ayaan nahay?

Marka aan Soomaali iyo muuqaalkeeda dhibaataysan aan isku jimeeyo waxaa igu soo dhaca maad iska dhimatid laakiin marka aan caalam horumaray isku dhereriyo waxaan Alle ka baryaysaa cimri dheer iyo cibaado suuban, dabcan lagama quusto rajjada Alle.

Haddii aan sidan ugu dhex-dabaalanno danbiyada ugu waaweyn dunida oo aan caan ku nahay sida jahliga, qabyaaladda, sadbursiga, dilka, qarxinta, cadaalad xumada, boobka, musuq-maasuqa , xagjirnimada, xaqiraada, tuhun iyo cuqdad aan meel fog jirin, maangaab-nimada iyo…….

Ma isweydiisay in aakhrina aan meel xun ku soconno haddii dunida aan ku fashillanahay?

Sidani si ma ahan ee nolol iyo xal ma raadinaa mise waa nalagu sheekaystaa oo aduun iyo aakhiraba waa iska rafaadsanaanaa?

Waxaan u baahannahay isbadal, isbadalkana waan awoodnaa.

Fikradihiina waa muhiim, waadna mahadsanidiin Soomaalaay.

Waxaa Qoray: Ridwaan Xaaji C/weli




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip