AMISOM oo ka digtay weeraro Al-Shabaab ay geystaan, iyagoo isu ekeysiinaya

0
Wednesday February 10, 2016 - 19:36:46 in Wararka by
  • Visits: 751
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AMISOM oo ka digtay weeraro Al-Shabaab ay geystaan, iyagoo isu ekeysiinaya

    AMISOM ayaa ka digtay weeraro Al-Shabaab ka geystaan goobaha ay maamulaan dowladda Soomaaliya iyo AMISOM, iyagoo isu ekeysiinaya, isla markaana isticmaalaya dareyska Ciidamada AMISOM.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

AMISOM ayaa ka digtay weeraro Al-Shabaab ka geystaan goobaha ay maamulaan dowladda Soomaaliya iyo AMISOM, iyagoo isu ekeysiinaya, isla markaana isticmaalaya dareyska Ciidamada AMISOM.

War lagu qoray barta Twitter-ka ayaa lagu sheegay in AMISOM warbixin ku heshay qorshayaal Al-Shabaab ku doonayaan inay weeraro xasuuq leh, iyagoo iska dhigaya inay yihiin AMISOM.

AMISOM ayaa sheegtay in Al-habaab ay dooneyso in weerarada u isticmaasho dareyska ay leeyihiin Ciidamada, kadib markii dhowaan la sheegay in xeryaha AMISOM ka dhaceen dareys iyo agab kale.

Sidoo kale AMISOM ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay doonayaan in iyagoo isu ekeysiinaya ay shacabka waxyeelo u geystaan, isla markaana iska horkeenaan iyaga iyo shacabka

Al-Shabaab ayaa dhowaan weerar culus ku qaaday Xero Ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaanka Ceel-Cadde ee Gobolka Gedo, halkaasoo ay ka qaateen saanad ciidan, dareys iyo agabyo kale.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip