Ra’iisal wasaraha xukumadda Soomaaliya , xubno ka tirsan golayaasha Wasiirada iyo Barlamaanka Soomaaliya waxa ay wafdigan ka socday dowladda Ciraaq ku soo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde, iyadoo soo dhaweynta ay qeyb ka ahayd safiirka dowladda Soomallya u fadhisa Ciraaq
Ciyaad Calaawi Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Ciraaq oo Warbaahinta kula hadlay garoonka ayaaa shegay in uu aad ugu faraxsan yahay in markii ugu horaysay uu booqasho ku yimaado Soomaaliya, isla markaana ay ka go’antahay in uu ka shaqeeyo xoojinta xiriirka labada dal.
Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake ayaa tilmaamay in ay muhiim u tahay Soomaaliya booqashadan uu manta ku yimid wafdigaan ka socda dalka Ciraaq, isla markaana is dhaafsan donan qibradaha la xariir la dagallanka argaxisada iyo xariirka tariiqiga ah ee labada dal ka dhexeeya.



0 










Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Madaxweyne kuxigeenka Ciraaq (Sawirro)
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee dalka Ciraaq, kaasi oo socdaal ku yimid Muqdisho markii ugu horeysay.