R. Wasaare ku-xigeenka XFS ayaa ka qayb galay Munaasabad loogu dabaal dagayay sanad guuradii 51aad ee ka soo wareegtay Aas-aaska Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha .

0
Wednesday February 10, 2016 - 19:01:05 in Wararka by
  • Visits: 699
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    R. Wasaare ku-xigeenka XFS ayaa ka qayb galay Munaasabad loogu dabaal dagayay sanad guuradii 51aad ee ka soo wareegtay Aas-aaska Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha .

    Ra'iisal Wasaare ku-Xigeenka Dalka Mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa maanta ka qayb-galay xaflad lagu xusayey sanad guuradii 51aad ee ka soo wareegtay aas-aaska Ciidamada Badda iyo Difaaca ee XFS, taas oo ay ka soo qayb-galeen Golaha Wasiiradda,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisal Wasaare ku-Xigeenka Dalka Mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa maanta ka qayb-galay xaflad lagu xusayey sanad guuradii 51aad ee ka soo wareegtay aas-aaska Ciidamada Badda iyo Difaaca ee XFS, taas oo ay ka soo qayb-galeen Golaha Wasiiradda, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida iyo hoggaanada kala duwan ee Ciidamada dalka.

Hadal uu ka jeediyay munaasibadaasi Mudane Carte wax uu ugu harayn mahadnaq iyo salaan u gudbiyay guud ahaan ciidamada qalabka sida gaar ahaana Ciidamadda Badda iyo qoysaskooda oo uu ILAAHAY uga baryay in sanadkan kiisa Nabad iyo barwaaqo ku gaarsiiyo.

"Ciidamada Baddu waa inay masuuliyad iska saaraan oo ilaaliyaan hantida ummadani ay leedahay iyo khayraadka Badda ku jira, waa in aynu iska xil saarno shuruucda caalamiga ah ee kalluumaysatada, sidoo kalena waa in baddeena aynu ka hor istaagno kalluumaysiga sharci-daradda ah”

Ra’iisal Wasaare ku-Xigeenka XFS Mudane Maxamed Cumar Cartehwaxa uu xusay in xukuumaddu masuuliyad gaara iska saari doonto una taagan tahay tayada iyo daryeelka ciidamada, isagoo si gaara u xusay in laga wada qayb-qaato isbadalada socda ee dhinaca horu-marka, sharciga ciidankana la dhamays tiro.

Gabagabadiina wuxuu soo kormeeray Ra’iisal Wasaare ku-Xigeenka Dalku Mudane Maxamed Cumar Carte shaqada ay hayaan ciidanka Ilaalada Baddu.

----DHAMAAD-----



IMG 1720
IMG 1731
IMG 1744
IMG 1925
IMG 2070

 
1px


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip