R/Wasaare Sharmaarke "Soomaaliya iyo Ciraaq waxaa ka dhexeeya Xiriir soo jireen ah".

0
Wednesday February 10, 2016 - 18:41:22 in Wararka by
  • Visits: 695
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    R/Wasaare Sharmaarke "Soomaaliya iyo Ciraaq waxaa ka dhexeeya Xiriir soo jireen ah".

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa maanta ku soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa maanta ku soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho,

 Ra’isul Wasaarihii hore ee Ciraaq hadana ah Madaxweyne ku xigeenka dalkaas Mudane Iyaad Calaawi iyo wafdi uu horkacayo oo maanta booqasho hal maalin ah ku yimid Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Cumar oo kulan kula qaatay Garoonka Diyaaradaha ayaa uga mahadceliyey Wafdiga Madaxweyne ku xigeenka booqashada ay ku yimaadeen dalka Soomaaliya, isagoo xusay in Soomaaliya iyo Ciraaq uu ka dhexeeyo Xiriir soo jireen ah, isla markaana ay is dhaafsan doonaan qibradaha la xariir la dagallanka argaxisada.

"Dawladda Soomaaliya iyo shacabkeeda waxay idin ku soo dhaweynayaan Caasimadda Muqdisho. Waxaan rajeynayaa maadaama aan haatan ka soo kabaneyno dagaaladii sokeeye in Soomaaliya iyo Ciraaq uu xiriirkooda sii xoogeysan doono, inagoo iska kaashan doona sidii labada dal ay isku dhaafsan lahaayeen wax walba oo faaiido u ah”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar.

Madaxweyne ku xigeenka Ciraaq Iyaad Calaawi, ayaa dhankiisa ka mahadceliyey sidii wanaagsaneyn ee loogu soo dhoweeyay Soomaaliya iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal. Waxana uu sheegay in dalkiisu Soomaaliya gacan siin doono sidii ay mar kale cagaheeda isugu taagi lahayd ugana guuleysan lahayd Argagixisada.

----DHAMMAAD----

IMG 2208
IMG 2223
IMG 2240
IMG 2274
IMG 2278
IMG 2283
IMG 2312
IMG 2316


 
1px


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip