Nin Sheekh ahaa oo lagu gowracay Duleedka Degmada Buulo burde

0
Wednesday February 10, 2016 - 12:16:39 in Wararka by
  • Visits: 750
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin Sheekh ahaa oo lagu gowracay Duleedka Degmada Buulo burde

    Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Deegaan lagu magacaabo Jameeco Mubaarak oo ku yaallo duleedka Degmada Buulo burde, waxaa xalay Saqdii dhexe halkaasi lagu gowracay nin Sheekh ahaa oo si weyn deegaanka looga garanaayay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Deegaan lagu magacaabo Jameeco Mubaarak oo ku yaallo duleedka Degmada Buulo burde, waxaa xalay Saqdii dhexe halkaasi lagu gowracay nin Sheekh ahaa oo si weyn deegaanka looga garanaayay. Ninkaan oo magaciisa lagu sheegay Sheekh C/laahi Sheekh C/casiis, ayaa lagala soo baxay gurigiisa oo deegaanka ku yaallo, xalay Saacada markii ay aheyd 12:30 Habeenimo, sida uu xaqiijiyay qof ka mid ah dadka deegaanka.

Ragga Sheekha gurigiisa kala soo baxay ayaa la sheegay inay Shabaab ka tirsan yihiin, waxaana ay geeyeen meel barxad ah oo isla deegaanka ku taallo, halkaasi oo ay ku gowraceen.

Ruux ka mid ah Dadka deegaanka oo Warbaahinta faah-faahin ka siiyay sida Sheekhaasi loo dilay, ayaa wuxuu sheegay raggii dilay Sheekha inay amreen xitaa in aanan la duugi karin.

Waxa uu sheegay saaka inay dul taagan yihiin meydka Sheekha oo weli aysan dhaqin xitaa, maadaama ay dareemayaan cabsi la xiriirta hadii ay meydka dhaqaan oo ay isku dayaan inay duugaan in dhibaato kale ay dhacdo oo Shabaab ay dadka dilaan.

Ilaa hada waxa aanan la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in Wadaadkaasi caanka ah ee lagu magacaabi jiray Sheekh C/laahi Sheekh C/casiis xalay lagu gowraco deegaankii uu ku noolaa.

Maamulka Degmada Buulo burde weli kama aysan hadlin falkaan lagu gowracay wadaadkaasi sida weyn looga yaqaanay Deegaanka, inkastoo falkaasi lagu eedeeyay inay masuul ka ahaayeen Shabaabka.

Al Shabaab ayaa dil iyo handadaad u geysta dadka xiriirka la yeesha Dowladda Federalka Somaliya iyo Maamulada dalka ka jira.

xigasho:-dhacdo.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip