
Wafdi ka socda beesha caalamka oo Garowe kula kulmay Madaxweynaha Puntland
"Puntland iyo shacabkeeda horay ayay u caddeeyeen mowqifkooda ku aadan hannaanka doorashooyinka dalka ka dhacaya” ayuu yiri Madaxweyne C/Weli Gaas oo sheegay in wafdiga caalamka ay kulamo kala duwan la yeelanayaan bulshada qeybaheeda kala duwan.
Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in wafdiga caalamka ka socda ay Puntland joogayaan muddo saddex maalin ah, iyagoona daraasad ku sameynaya rabitaana shacabka, wuxuuna Madaxweyne Gaas rajo ka muujiyay in is afgarad dhex marayo labada dhinac.
Wafdiga beesha caalamka ee ku sugan magaalada Garowe ayaa horay u tegay magaalada Kismaayo, halkaasi oo ay kula kulmeen maamulka iyo madaxda Jubaland isla markaana kala hadlay arrimo ku saabsan go’aanadii ka soo baxay kulankii madaxda Soomaaliya ee ku saabsanaa doorashooyinka dalka ka dhacaya dabayaaqada sanadkaan.


0 



Wafdi ka socda beesha caalamka oo Garowe kula kulmay Madaxweynaha Puntland
Magaalada Garowe waxaa markii ugu horeysay ka degay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Ambassador Micheal Katheining ayna ka mid yihiin safiirada dalalka caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya.